Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday xarunta taliska ciidamada booliiska


Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqday xarunta taliska ciidammada booliska Soomaaliya, halkaasi oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha ciidamada.

Booqashada Ra’iisal wasaaraha uu ku tagay xarunta taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed, ayaa waxaa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano baarlamaanka ka mid ah.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliyed Gen C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku soo dhaweeyay xarunta  taliska ciidamada booliiska, halkaasi oo Salaan sharaf uu ku siiyay.

Intaasi kadib ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya saraakiisha ciidamada booliska oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada booliska Somaliya.

Khayre ayaa sheegay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada booliska Somaliyed uuna ka hawlgali jiray Saldhiga degmada Hodan, isaga oo sheegay booliska in uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ciidamo ka tirsan booliiska waxaa ay u soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo salaan sharaf ay ku siiyeen xarunta taliska ciidamada Booliska Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]