Suudan oo mamnuucday Khudaarta iyo Xoolaha uga yimaada Masar

 

Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) – Dowlada Sudan ayaa Tallaadadii shalay shaacisay in dalkeeda ka mamnuucday dhamaan Khudaarta iyo Xoolaha looga keeno dalka ay jaarka yihiin ee Masar.

Xukuumada Suudan wali faah faahin rasmi ah kama bixin sababta go’aankan ka danbeysa, waxaana loo sheegay shirkadaha Sudan ee sida gaarka ah loo leeyahay in khudaarta ay soo galiyaan iyo waliba xoolaha ay si toos ah uga soo gataan wadamada asalka ah ee aan lasoo marsiin dalka Masar.

Suudan ayaa khudaarta ugu badan iyo adeega kale ee xoolaha kala imaan jirtay dalka Masar, balse muddooyinkii danbe waxaa sii xumaanayey xiriirka labada wadan ee carabta ah.

Khartuum ayaa la rumeysan yahay in ay ka careysan tahay canshuuraha Masar saarto shirkaddaha laga leeyahay Sudan iyo waliba Masar oo ku adkeysa fiisooyinka dal ku gala ah shacabka Sudan.

Waxaa arrintan u sii dheer carrada xukuumada Khartuum oo horey ugu eedeysay xukumada Cabdifatax Al Sisi ee Masar in ay si hoose u taageerto Jabhada mucaarid ku ah dowlada Cumar Al Bashir ee Suudan.

Labadan dal ayaa sidoo kale isku heysta dhul saaran xuduuda u dhaxeysa wadamadaas.

Dowlada Sudan ayaa sidoo kale dib u dhigtay safar uu Wasiirkooda arrimaha dibada ku tagi lahaa Qaahira todobaadkan, isagoona u bixi lahaa si loo xaliyo murranka u dhaxeeya labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]