Xisbiga Daljir ayaa qabtay munaasibad lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada [SAWIRRO]
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)-Munaasabado uu Xisbiga Daljir ku weyneynayay Maalinta dhallinyada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayna kasoo qayb-galeen mas'uuuliyiin ka tirsan labada Aqal ayaa gelinkii dambe ee shalay iyo xalay waxay ka dhaceen Xarunta Dhexe ee Xisbiga iyo Hotel Makka Al-Mukaramah ee Muqdisho.
Munaasabaddii gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay garabka dhallinyarada Xisbiga, Waxaana kasoo qayb-galay madaxda Xisbiga iyo Mas'uuliyiin kale.
Sidoo kale, Munaasabaddii xalay lagu qabtay Hotel Makka Al-Mukarama waxaa ka soo qaban-qaabiyay iydana madaxda sare ee Xisbiga Daljir, waxaana lagu soo bandhigay waxqabadkii 13-ka halyey ee SYL, waxaana dhallinyada maanta lagu boorriyay inay ku daydaan oo u istaagaan badbaadinta dalka iyo dadka, maadaama ay ka fursado badan yihiin dhalinyaradii aasaasay SYL.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Somalia Abshir Maxamed Axmed [Bukhaari], Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Mas'uuliyiin ka socday isbaheysiga axsaabta siyaasadda dalka, guddomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Xisbiga Daljir, Xassan Xaaji Ibraahim iyo Axmed Xassan Aadan iyo marti-sharaf kale ayaa munaasabada ka jeediyay hadalo gubaabo u badnaana oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay u boorrinayeen.
Ugu dambeyn, 15-ka May ayaa waxaa sannad walba laga xusaa Soomaaliya, iyadoo lagu xusuusto dhallinyaradii u halgamay xorriyadda dalka, kuwaasoo naf iyo maal u huray sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen gumeystayaashii xilligaas maamulayay oo kala ahaa Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Hiiraan Online, News Desk
More News
- War-murtiyeed laga soo saaray shirkii geedi socodka dib –u-eegista dastuurka
- Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo oo si adag uga Hor-yimid xubno la sheegay in lagu kordhinayo Barlamaanka Puntland
- Qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay
- Kismaayo oo lagu qabtay munaasibad lagu xusayay maalinta dhalinyarada [SAWIRRO]
- Ciidamada dowladda oo degmada Jalalaqsi ku xir xiray odayaal dhaqameed
- 11 qof oo cudurka shuban-biyoodka ugu geeryoodey gobolka Galgaduud
- Dowladda Soomaaliya oo soo saartay jadwalka Imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee dalka
- Madaxweyne Farmaajo oo faah faahin ka bixiyay wax yaabihii u qabsoomay dowladdiisa muddadii saddexda bilood
- Farmaajo “Dadka xagjirka ah Soomaali ma ahan, haddii ay Soomaali yihiin annagaa siinay cafis hanoo yimaadaano"
- Farmaajo “Afar sano gudahooda ayaan Muqdishu uga dhigeynaa magaalladda ugu nadiifsan uguna Quruxda badan”
- Maayarkii degmadda Xariirad oo Daad qaatay u geeriyooday iyo wasiir ka badbaaday
- Faafaahin: Al shabaab oo weeraray saldhiga ciidamada dowladda Kenya
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Doha wasiirka arrimaha dibedda Norwey
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)