Kismaayo oo lagu qabtay munaasibad lagu xusayay maalinta dhalinyarada [SAWIRRO]
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)-Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasibad lagu xusayay maalintii la aasaasay ururkii gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL.
Xafladda oo lagu qabtay Hotel Agan ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ka qeybgalay ururrada dhalinyarada Jubaland, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.
Xafladda ayaa intii ay socotay laga aqriyay taariikhda 13-kii dhalinyarada ahayd ee aasaastay ururkii SYL ee Soomaaliya u horseeday madax banaanida, ayadoo sidoo kale loo duceeyay.
Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland Sheekh Max'ed Awlibaax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in 15-May ay tahay maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay dhalinyarada in maanta la joogo waqtigii ay dhalintu u istaagi lahaayeen badbaadinta dalkooda.
Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Jubaland C/wahaab Bilaal oo kamid ahaa masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in dhalinyaradu diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan waxyaalaha dib u dhigay dalka oo uu xusay in ay ugu horeeyso qabyaaladda, wuxuuna ku booriyay dhalinta in ay u istaagaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadda iyo horumarka dalkooda.
Sidoo kale gudoomiyaha dhalinyarada ayaa ka codsaday masuuliyiinta Jubaland in ay il gaar ah ku eegaan dhalinyarada, oo ay kala shaqeeyaan mideynta dhalinta iyo ka wacyigelinta falalka xun xun.
Shalay ayay ku beegnayd 15-ka May oo ahayd maalintii la aasaasay ururkii dhalinyarada ee SYL, kaa oo halgan dheer usoo galay sidi Soomaaliya looga xoreyn lahaa gumeysteyaashii shisheeye, islamarkaana loo mideeyn lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- War-murtiyeed laga soo saaray shirkii geedi socodka dib –u-eegista dastuurka
- Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo oo si adag uga Hor-yimid xubno la sheegay in lagu kordhinayo Barlamaanka Puntland
- Qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay
- Xisbiga Daljir ayaa qabtay munaasibad lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada [SAWIRRO]
- Ciidamada dowladda oo degmada Jalalaqsi ku xir xiray odayaal dhaqameed
- 11 qof oo cudurka shuban-biyoodka ugu geeryoodey gobolka Galgaduud
- Dowladda Soomaaliya oo soo saartay jadwalka Imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee dalka
- Madaxweyne Farmaajo oo faah faahin ka bixiyay wax yaabihii u qabsoomay dowladdiisa muddadii saddexda bilood
- Farmaajo “Dadka xagjirka ah Soomaali ma ahan, haddii ay Soomaali yihiin annagaa siinay cafis hanoo yimaadaano"
- Farmaajo “Afar sano gudahooda ayaan Muqdishu uga dhigeynaa magaalladda ugu nadiifsan uguna Quruxda badan”
- Maayarkii degmadda Xariirad oo Daad qaatay u geeriyooday iyo wasiir ka badbaaday
- Faafaahin: Al shabaab oo weeraray saldhiga ciidamada dowladda Kenya
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Doha wasiirka arrimaha dibedda Norwey