Arbaco, 08, 2017 (HOL) - Safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay, uguna dabbaal dagay dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana xaflada ballaaran oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu qabtay magaalada Washington, DC.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawadoo khudbad ka jeediyay xafladdaas ayaa sheegay in jihada uu dalku u socdo ay tahay mid xasilooni iyo dib u soo kabasho ah.
“Madaxweyneyaashii iyo dowladihii hore waxay soo qabteen shaqo xoog leh, waxayna dalka soo gaarsiiyeen meel fiican oo madaxweynaha cusub u fududeyneya inuu howsha ka sii wado” ayuu yiri danjire Axmed Cawad oo intaas ku daray “Waa inaan ka qeyb qaadanaa horumarka, dhismaha iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Waxaa noo taal shaqo xoog leh, waxaana na saaran waajibaad iyo mas'uuliyad weyn oo qaran"
Safiirka ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Mareykanka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan ololaha jooninta abaaraha, wuxuuna ka codsaday inay u gar-gaaraan qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatada xoogga leh ka soo gaartay barakaca abaaraha.
Xubnihii jaaliyadda ee iyaguna ka hadlay xafladdaas ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, lana shaqeynayaan madaxda cusub ee dalka, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliya.
Abdibashi H Wehelie iyo Nimco Yassin ka mid ahaa xubnihii jaaliyadda ee ka shaqeeyay qabsoomista xafladdan ayaa u mahadceliyay ka soo qeybgaleyaashii xafladdan.
Labadii todobaad ee la soo dhaaway waxaa xaflado lagu taageerayay dowladda iyo madaxda cusub ee Soomaaliya ay ka dhaceen magaalooyinka waaweyn ee dalkan Mareykanka sida Minneapolis, Phoenix, Seattle, Portland, iyo Columbus, waxaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rajo weyn ka qabaan isbadalka cusub ee Soomaaliya.
Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)

.jpg)
.jpg)
.jpg)