Ciidamadda Kenya oo Khasaare uu ka soo gaaray Qarax lala eegtay

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) –  Hal askari ayaa geeryooday, shan kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii Qarax lagula eegtay deegaanka Lamu ee ku dhow xuduuda Soomaaliya ay la leedahay Kenya.

Qaraxa, ayaa sidoo kale waxaa uu bur-bur xooggan uu u geystay mid ka mid ah gawaarida ciidanka.

Ciidamadda KDF-ta Kenya, ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Al Shabaab ay ku aaseen wada dhinaceeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in ciidamo badan iyo diyaarado la geeyay deegaanka si ay u-xoojiyaan ciidamada qaraxa lagula eegtay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donal Trump iyo Uhuru Kenyatta, oo qadka tellphone-ka ku wada hadlay shalay, ayaa isku raacay in la iska kaashado amaanka gobolka.

Hassan Istiila 
[email protected]


More News