Axad, June, 11, 2017, (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho maanta tagay wafdi
sare oo ka socday dawladda Qatar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdiga Qatar uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arirma dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre.
Toddobaadkii horena waxaa magaalada Muqdisho tagay sida laga soo xigtay ilo muhiim ah wafdi ka socday dowladda Sacuudiga sida laga soo xigtay safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Max'uud Geelle.
Ma jiro wax faah faahin ah oo dhinaca dowladda ka soo baxaya oo ka hadlaya wafdiga maanta tagay magaalada Muqdisho.
Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhaxdhaxaad ka tahay khilaafka u
dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo
khilaafadka.
Hasse ahaatee waxaa muuqata in ay hadda wajaheyso xaalad
u eg labo daran mid dooro, iyada oo cadaadis ba’an kala kulmeysa dowladda Sacuudiga
oo siweyn uga xumaatay go’aanka dowladda Soomaaliya
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]