Guriga Taliyaha Nabadsugidda Jowhar oo Bam Gacmeed lagu weeraray

Axad, June, 11, 2017 (HOL)- Kooxo hubeeysan ayaa xalay Bam gacmeed ku weeraray guriga uu daganyahay Taliyaha nabadsugidda degmada Jowhar, iyada oo weerarkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay mid kamid ah ilaalaha Sarkaalka la weeraray.

Dadka degan goobta uu weerarka ka dhacay ayaa HOL u sheegay in ay maqleen qaraxyo is xigxigay, kadibna ay xigtay rasaas ay fureen ciidamada ilaalada Sarkaalka.

Ciidamada ammaanka degmada Jowhar ayaa weerarka kadib howlgallo ka sameeyay xaafadda uu daganyahay Taliyaha, waxaana howlgalladaasi ay kusoo qabqabteen dadka laga shakisanyahay.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada maamulka Hirshabeelle.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.