
Talaado, July, 11, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hambalyeeyey Iraq, Ra’isulwasaaraheeda iyo ciidanka amaanka xoreynti ay kooxda Daacish ka xoreeyeen magaalada Mosul.
Bayaan uu ka soo saaray Aqalka Cad ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in maalmaha Daacish ee dalalka Ciraq iyo Suuriya ay soo yaraadeen kadib guusha Mosul, wuxuu intaasi raaciyey in ay sii wadi doonaan burburinta kooxdani.
Ra’isul wasaare Haider al-Abadi ayaa Isniintii si rasmi ah ugu dhawaaqay in
ay dib ula wareegeen magaalada Mosul, kadib 3 sano oo ay magaalada maamulayeen
maleeshiyada Daacish.
Khudbad laga sii daayey telefishinka oo uu Abdi ka jeediyey qeybta qadiimiga ah
ee magaalada ayuu ku sheegay in guushani ay tahay mid soo afjartay cadawnimada
argagixsida.
Millatariga Mareykanka ayaa soo dhaweeyey hadalka ra’isulwasaaraha Ciraq, balse
sheegay in ay wali jiraan meelo ka mid ah magaalada Mosul oo u baahan in wali
laga nadiifiyo miinooyin iyo maleeshiyo ka tirsan Daacish oo ay u badantahay in
ay dhuumaaleysanayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]