4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Xiritaankii tartankii Ururka SOSCA ee Kubada Cagta - Toronto, Canada

Talaado, July 11, 2017 (HOL) - Ururka SOSCA ee ka dhisan dalka Canada ayaa qabanqaabiyey tartan cayaaraha Kubada cagta ee sanadka 2017 laguna qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Tartanka waxaa la daah furay bishii Juun 28, waxaana ka soo qayb galay 12 kooxood oo ka kale socda magaaloyinka, Washington, Rochester, iyo buffalo oo intaba ka ymid dalka USA, iyo 9 kooxood oo kale yimid Toronto, Hamilton iyo Kitcner oo intaba dhaca gobolka Ontario ee dalka Canada. Sida kalo waxaa ka soo qayb galay wafdi heer sare ah oo ka soo socda ururka Seuki oo ka dhisan dalka Sweden , wafdigaan oo u hogaamaniyey Guddomiyaha Ururka Wali Malin iyo Gudoomiye xigeenkiisa isla markaan aha wariye wax ka qora sportiga Somaliyeed Mudan Abdinasir Sola.

Tartanka oo is aragii ugu danbeeyey lagu qabta garoonka caalmiga ee Centennial Park ee ku yaal galbeedka magaaladaan Toronto, ciyaartii kama dambeeynta aheyd ee FINALka ayaa isku soo baxa labada kooxood oo kale ah Kitchener iyo Rochester ( New York) , ciyaartaan oo aay ka soo qayb galeen dadweyna aad u fara badan iyo madax somaliyeed oo ka mid ahaayeen, Senator Shukri Adan cameey, Xildhibaan Maryan Ahmed Haruun iyo Daljire Abyan Ladane.

Ciyaartaa oo isga hor yimadeen Kitchner iyo Rochester oo aad u xiiso badan ayaa waxeey ku dhamaatay bar baro min 3 gool, waxaana lagu kale baxay laadka xorta ah (Rigoro) oo aay ku badasay kooxda Kitchner oo dhalisay 3 gool iyo Rochester oo keenta 2 gool.

Gudomiyaha SOSCA Mudan Abdirisaq Hussien Geedi ayaa qodbadii xiriitaanka uu mahad celiyey daawadayaasha ka soo qayb galay, madaxda soomaliyeed, mediayaha somaliyeed oo ka mid yihiin SNTV iyo Hiiraan Online, deeq bixiyaasha , howl wadaneeda ururka oo suurta galiyey in uu tartanka ku soo dhamaad guul.

Abaal marinada ugu sareeyey oo  loogu tala galay  ciyaartoyda ayaa waxaa lagu sharfay madaxda Somaliyeed in aay guddoon siiyaan ciyaartoyda.

Sentor Shukri Adan Camey oo guddonsiisay koobka kaalinta 1aad, xildhibaan Maryan Haarun oo iyada guddoonsiisay Koobka kaalinta 2aad iyo Daljir Abya ladane oo iyadana guddonsiisay koobka ciyaar wanaag ciyaartoy ka tirsana Kooxda kitchner.

Waxaa sidoo kale magaalada Toronto wali ka socda tartankii cayaaraha kubadda cagta ee SOMALIWEEK oo ay soo qabanqaabiyeen ururka TODAY oo ah urur ka dhisan magaalada Toronto. Tartankaan ayaa waxaa la soo gabagabeyndoonaa maalinta Axadda ee bishan July 16keeda. Halkaan kala soco gabagabada cayaarahaas.