Arbaco,Janaayo , 25, 2017 (HOL) – Kulan ay maanta ku wada yeesheen madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, guddida doorashooyinka ayaa lagu heshiiyey in muddo toddoba bilood ah dib loo dhigo doorashadda, isla markaana loo mudeeyo in doorashadda madaxtooyaddu dhacdo 10/10/2017, halka doorashada Wakiiladda iyo deegaanka loo mudeeyey inay dhacdo 10/10/2018.
Go’aankan madaxtooyadda si wada jir ah uga soo saareen xukuumadda, xisbiyadda iyo guddida doorashooyinka ayaa u dhignaa sidan:
“Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:
1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.
2. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.”ayey isku raaceen saddexda xisbi, madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka oo goobjoog ahayd.
Go’aankan waxa ku saxeexnaa;
1.Gudoomiyaha xisbiga UCID, Mudane, Faysal Cali Xuseen.
2. Guddoomiyaah xisbiga WADANI Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi .
3. Guddoomiyaah xisbiga kulmiye Mudane, Muuse Biixi Cabdi .
4. Guddoomiyaha gudida doorashooyinka Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame oo goob joog ahaa.
Heshiishkan ayaa loo gudbin doonnaa golaha Guurtidda oo iyagu awood u leh muddo kordhinta, haseyeeshee golaha GUurtidda ayaa sheegay inay xaaladda qiimeyn doonaan, isla markaana iyaga u taallo muddo kordhinta inta ay iyagu u arkaan in doorasho lagu qaban karo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.