Arbaco, Janaayo, 25, 2017 (HOL) - Saraakiisha ciidamada Kenya ee ka howlgala
Soomaaliya ayaa sheegay in qoryo faro badan iyo bambooyin ka qabsadeen
Al-shabaab kadib howlgal maalintii shalay ka sameeyeen degmada Badhaadhe ee
gobolka Jubbada hoose.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ilaa 8 qori oo nooca AK47ka ah iyo tiro badan oo Bambooyinka gacanta laga tuuro ah ku qabsadeen howlgalkii wada jir ahaa ee shalay laga fuliyay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose oo laga saaray Al-shabaab.
Afhayeenka Ciidanka Kenya Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in hubkaan ay ka heleen meel wadda dhinaceeda ah, kadib markii ay isaga carareen kooxihii ku dagaallamayay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan hubkaan ay dowladda Kenya ay sheegtay in ay ka qabsatay.
Ugu danbeyntii, shalay ayeey aheyd markii ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo
kale kuwa Jubbaland ay dagaal kula wareegeen degmada Badhaadhe, inkastoo markii danbe ay isaga soo baxeen halkaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]