Sawir hore
Talaado, Janaayo, 24, 2017 (HOL) –Xoogagga Al-shabaab ayaa maanta gelinkii danbe dib ula wareegay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii isgarabsanayay ee saaka la wareegay.
Sida ay noo xaqiiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay, ciidamada Jubaland, kuwa AMISOM iyo ciidamo Mareeykan ah oo saaka la wareegay degmada ayaa isaga baxay maanta gelinkii danbe, ayadoo markii ay ka baxeen kadib ay magaaladaasi dib u qabsadeen Al-shabaab.
"Magaalada hadda waxaa ku sugan Al-shabaab, ciidamadii saaka yimidna way ka baxeen," sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Badhaadhe oo la hadlay shabakadda HOL isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan.
Ma cadda sababta ay ciidamadu uga baxeen degmadaasi, haseyeeshee weerarkan ayaa qeyb ka ah weerarro caynkan oo kale ah oo mudooyinkii u danbeeyay ay gobollada Jubooyinka ka wadeen ciiidamada Jubaland, kuwa AMISOM iyo ciidamada Mareeykanka ee ku sugan Jubooyinka oo iskaashanaya.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamadu ay dib uga soo baxeen deegaannada Wirkooy iyo Buulogaduud oo ku yaal waqooyiga gobolka J/hoose oo ay kala wareegeen Al-shabaab, ayadoo ka bixitaankooda kadib ay deegaanadaasi dib ugu noqdeen gacanta Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.