
Talaado, Janaayo, 24. 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, ayaa sheegay qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay uu saakay ka dhacay goob ay fariisan jireen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus oo siweyn looga wada maqlay inta badan degmada, waxaana ilaa iyo hada inta la ogyahay ku dhintay shan ruux oo ay ka mid yihiin ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidamada wali kama aysan hadlin qaraxa khasaaraha sababay ee saakay ka dhacay degmada.
Al-shabaab ayaa loo maleynayaa in ay goobta ku aaseen miinada habeennimadii xalay kadib dagaalo culus oo qeybo ka mid ah gudaha degmada ku dhaxmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo xoogaga ka tirsan Al-shabaab.
Ugu danbeyntii, inta badan qaraxyada noocan oo kale ah ayaa ka dhaca goobaha ay ku badan yihiin ciidamada dowlada gaar ahaan makhaayadaha iyo goobaha lagu shaaho, waxaana ay qaraxyadan siddoo kale galaaftaan nolasha dad rayidka rayidka ah ee ka agdhaw meelaha bartilmaameedsado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]