
Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) --Ciidamo ka tirsan
booliska Puntland ayaa maanta howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka bilaabay
magaalada Boosaaso, kadib markii shalay galinkii danbe kooxo hubaysan ku dileen
labo askari oo ka tirsan ilaalada Bangiga dhaxe ee puntland.
Sargaal ka tirsan Booliska Puntland ee Gobalka Bari ayaa HOL u xaqiijiyay
in ay hayaan Dad ay ku tuhmayaan falalkii danbi ee dhawaanahan ka dhacayay
Magaalada Boosaaso,kuwaaso lagu dilay
dhamaadkii sanadkii tagay Saddex Mas'uul oo ka tirsan Maamulka Puntland.
Sidoo kale,Magacyada labada askri ee shalay la dilay ayaa lagu sheegay Bashiir Maxamed C/rixmaan iyo Maxamed Jaamac
Xirsi oo ka tirsanaa Illaalada Baniga dhaxe,mana jirto ilaa iyo hadda cid
dilkooda
u ku cadyahay oo la so qabtey.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Booliska Puntland ee Gobalka bari ay mid mid u baarayaan
Xaafadaha Magaalada Boosaaso,Gadiidka iyo dadweynaha lugaynaya Jidadka waa weyn
ee
magaaladaasi.
Howlgaladan ka socda magaalada Boosaaso ayaa ku so beegmaya,iyadoo madaxweynaha
puntland iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada oo dib uga so noqday Degmada
qandala ay ku sugn yihiin Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.
Ugu Danbaytii Howl-galkan lagu xaqiijinayo Amaanka Magaalada Boosaaso ayaanan
ahayn midkii ugu horeeyay,labo todobaad kahor ayay ahayd markii dhowr boqol oo
dhalinyaro u badan oo boosaaso laga dhax uruuriyay la siidayay kadib markii wax
danbi ah lagu waayay.
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliy