Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay soo xiritaankii kalfadhigii labaad ee baarlamanka Jubaland ayaa ka hadlay dhinaca amniga, isagoo sheegay in ay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gobollada Jubooyinka.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in duruufo adag oo dhanka dhaqaalaha ay heeystaan maamulkiisa, balse waxa uu xusay in ahmiyadda 1-aad ay siinayaan dhinaca amniga.
"Hay'adaha amniga ha noqoto, kuwa sharciga ha noqdaan ama fulinta ama hay'adaha kale ee dowladda ama sharci dejinta, duruufaha na heeysta waa wax qof walba xog ogaal u yahay, muhiimadda halka aan saareeyno waa amniga iyo deegaanada naga maqan in aan raadinno," ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu xusay in howlgallada xoreynta deegaanada ay ka socon la'yihiin culeysyo uga imanaya dhanka beesha caalamka, isagoo sheegay in mar walba la leeyahay sanadka xiga ayaan bilaabeeyna ayna jirin cid tallaabo qaadeeyso.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in xaaladdan aan lagu sii juri karin, islamarkaana ay isku tashanayaan, ayna bilaabayaan howlgallo lagu xoreeynayo deegaanada maqan ee Jubooyinka.
Halkan hoose ka daawo khudbadda madaxweeynaha oo uu dhinacyo kala duwan uga hadlay
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Madaxweeynaha Jubaland: Annaga ayaa isku tashaneeyna oo dhulka naga maqan Xoreeyneeyna
More News
- Wakiilada beesha calaamka oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay xaalada abaarta
- 120 Arday oo reer Somaliland oo deeq waxbarasho ka heshay wadanka Itoobiya
- SDF oo abaalmarino gudoonsiiyey wariyayaal tartan u gallay tabinta wararka arrimaha bulshadda
- Madaxweyne Siilaanayo oo kormeer kadis ah ku tagay xarumaha wasaarada qaarkood
- Labo kursi oo ka mid noqonaya aqalka hoose oo Muqdisho lagu doortay
- Ciidamada amniga Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Boosaaso
- Shaqsi lagu tuhusan yahay weerarkii Istanbul oo la qabtay
- Doorashada madaxweynaha oo dib u dhaceysa ilaa bisha Feberaayo
- Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay iska horimaad saakay ka dhacay degmada Cadaado
- Iska horimaad ka dhacay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug
- Rag ku howlanaa farsameynta doolar been abuur ah oo la qabtay [Sawirro]
- Weerar lagu dilay sideed askari oo ka dhacay dalka Masar
- Al-shabaab oo xalay weerar ka geysatay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe
- Midowga Africa oo dalbanaya ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala Soomaaliya
- Diiwaangalinta musharixiinta guddoonka aqalka sare oo Muqdisho ka bilaabaneysa