Sabti, Feberaayo 25, 2017 (HOL) -Agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan ayaa lagu so warmayaa in uu iscasilay kadib markii u waraaqdii iscasilaadiisa uu u gudbiyay Madxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka aqbalay sida Illo Xog ogaal ah ay
no xaqiijiyeen.
Iscasilaada Deeq Suleymaan ayaa ilaa iyo hadda
la ogayn sababta ka danbeysa,inkastoo Warar hor-dhaca ah oo ay heshay
HOL ay tilmaamayaan in Deeq sulemaan iscasilaadiisu ay asalka ku hayso
ka mid noqoshada Xubnaha Golaha wasiirada Puntland oo dhawaan la filayo
in u so magacaabo Maadaxweynaha Puntland.
Sidoo kale,Wararka ayaa
intaas ku daraya in deeq Sulaymaan uu rajo ka qabo in uu ka mid noqdo Xukuumada Cusub ee Soomaaliya oo u so magcaabidoono hadii ay Baarlmaanka
ansixiyaan Xassan Cali Kheyre R/wasaaraha Cusub soomaaliya.
Dhinaca
kale,Deeq Sulaymaan ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay oo u magacaabey
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas 2014-kii Markii uu Madaxweynaha
Puntland uga guulaystay Madxawenihii hore ee Puntland C/rixmaan Faroole
oo tartan adag u dhex-maray.
Ugu danbeytii, danbayntii,Iscasilaada
Agaasimaha Madaxtooyada Puntland ayaa ku so beegmaysa,iyadoo ay so
baxayaan dhaliilo waxqabada la,aan oo ay Xukuumada Puntland u so
jeedinayaan siyaasin horay Xilal uga so qabtay Xukuumadii hore ee
Puntland.
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya
Agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan oo is casilay
More News
- Haweeney uu qabo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al shabaab oo lagu qabtay Muqdishu
- Nabadoon wax ka doortay xildhibanaddii ka yimid Galmudug oo caawa lagu dilay Muqdisho
- Golaha Aqalka Sare oo maanta kulankii ay yeesheen ku Ansixiyay 5 Guddi iyo 2 Habdhowre
- Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho
- Maamulka Beledweyne oo u mahad celiyay xildhibaan Qoono gacan ka geystay dhismaha wado muhiim ah
- Dadkii xoolo dhaqatadda ahaa ee Abaaruhu saameeyeen oo cudurana ugu darsameen
- Sadax Xildhibaan oo kulan xogwaran ah Minnesota ku qabtay xalay
- Caruurta inta la xado la sixrayo oo ku soo badanaya Somaliland , iyo gabadha la soo bad-baadiyay
- Wasiirkii Hore ee maaliyada Puntland oo dhaliilay xukuumadda u hogaamiyo madaxweyne Gaas ee Puntland
- Dagaal beelleed ka socda magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose
- Dhalinyaro dil lagu xukumay oo lagu jir dilay magaalada Boosaaso
- Maxkamada cadaallada ee ICJ oo waqti kooban u qabtay Kenya in ay ku soo gudbiso dacwada Badda
- Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe
- Wariye CabdiMaalik Coldoon oo maanta lagu maxkamadeynayo magaalada Hargeysa
- QM oo soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha
- 13 Muhaajiriin ah oo konteenar ku neef qabatoobay kuna dhex dhinta dalka Liibiya
- Shisheeye nacaybkii oo mar kale dib uga bilowday Koofur Afrika
- Madax Sare oo ka Tirsan QM oo Damacsan inuu u Socdaalo Soomaaliya iyo Yemen