Sabti, Feberaayo,
25, 2017 (HOL) –Wasiirka hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire
ayaa dhaliilay Hanaanka siyaasadeed iyo tan dhaqan dhaqaale Xukuumada
Puntland ee u hogaamiyo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas kadib shir Jaa'id
oo u ku qabtey Maanta Xarunta Puntland ee Garowe.
Wasiir Faarax ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid Kalsoonidii iyo
Himalladii ay Bulshadu ka qabtey Xukuumada Madaxweyne Gaas,isagoona Xusay in
Amnigii faraha u ka baxay,dhaq dhaqaaqii dhaqaalahana u mugdi galay.
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay
in waqtiga shacabka Puntland u Baahan-yihiin qaymeen iyo isi saxid dhab ah oo
ay sameeyaan,isagoona intaas ku daray in Xukuumada Puntland xiligan
fashilantay,taasina aanan la aqabli karin in la sii daawado.
Dhnaca kale,Wasiiir Faarax wuxuu hogaamiyaasha Dhaqanka,dhaqaalaha iyo Bulshada
Puntland ugu baaqayn in hoos loo fiiriyo waxa Puntland ka jira waa sida uu
hadalka u dhigay,isagoo xusay in baahi lo qabo doodo ay dadku uga hadlaan arimahooda
khaaska u ah si ay wax wada-saxaan.
Ugu Danbayntii,hadalkan ka so yeeray wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland
Mudane shire ayaa ku so beegmaya,iyadoo siyaasiin ku so hugooobay Doorashadii
soomaaliya ay Garowe dib ugu so laabteen,kuwaaso aad u dhaliilsan qaabkii
Madaxweyne Gaas uu ugu qayb-galay O'lalihii Doorashada ee u ku guuleystay
Madaxweyne Farmaajo Saddex Todobaad ka hor...
Abaadir C/qaadir Cilmi
Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya