Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa
ka soo baxaya qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhaw oo maanta ka dhacay
degmada Shibis ee gobolka Banaadir, gaar ahaan isgooyska Beexaani.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo xiray gaari uu la socday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustaf Jeylaani.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay Mustaf oo keliya uu ku dhaawacmay qaraxa, maadaama loogu xiray kursigii uu ku fadhiyay.
‘’Muwadin Soomaaliyeed ayuu ahaa gurigiisa ayuu ka yimid gaarigiisa ayaa miino loogu xiray, ayuu u qarxay, ma’aheyd qof dowlada u shaqeeya.
Waxaa uu intaa ku darray in lagu raadjoogo raggii ka dambeeyay falkan, oo ciidamada
ammaanka ay wadaan howlgalo, isagoo sidoo kale sheegay in arrintan aysan aheyn
mid la aqbali karo.
Ugu danbeytnii, qofka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada magalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad halkaasi loola tacaalo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]