Khamiis, Janaayo, 02, 2017 (HOL) - Hogaamiyihii mucaadka dalka Congo Etienne Tshisekedi
ayaa geeriyooday xilli uu baaritaan caafimaad u tagay magaalada Brussels ee
dalka Biljimka.
Tshiseked oo ahaa 84-jir ayaa dhimashadiisa waxaa xaqiijiyey xisbigiisa UDSP. Wuxuu xisbigan siyaasadeed aas aasay sanadki 1982-kii, oo uu ku mucaaraday kaligii taliyihii hore ee dalkaasi Mobutu Sese Seko, kaasoo muddo dheer soo xakumayey dalka Kongo oo barigaasi loogu yeeri jiray Zaire.
Shisekedi oo marar kale duwan ra’isulwasaare
u soo noqday madaxweyne Mobutu Sese Seko ayaa in mudda ahba ku noolaa dalka
dibadiisa ka hor inta uusan dib ugu laaban Conggo bishii July ee sanadki hore.
Ugu danbeyntii, geerida hogaamiyaha ayaa hadda ku soo aaday xilli uu
waqti adag ku jiro dalka Congo oo ay mucaaradku ku riixayaan madaxweyne Joseph
Kabila inuu iscasilo kadib marki ay ku eedeeyeen inuu doorashadii dalkaasi ka
dhacday musuq-maasuqay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]