4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Xildhibaan sheegay in uu ka laabtay saxiixa Mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo

 Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen warar sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya saxiixeen mooshin ka dhan madaxda sre ee dowladda, ayaa markii ugu horeysay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka waxaa uu sheegay in uu laabtay mooshin uu horay u saxiixay.

Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir oo ka mid ah baarlamananka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka baxay mooshin laga waday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii uu arkay sida uu hadalka u dhigay daacadnimada iyo qalbi wanaaga madaxweynaha, hormaradda la sameynayo iyo daruufaha ku hareereysan dowladda.

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in aan dib uga laabtay Mooshinka aan saxiixay saddex cisho ka hor oo ku deg degay, waxaa uga laabtay markii aan arkay duruufaha uu dalka ku jiro, gaar ahaan, amniga, dhaqaalaha, iyo qalbi wanaaga Madaxweynaha”ayuu yiri Xildhibaan Shaacir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii hore aysan jirin cid ku qasabtay in uu mooshinka saxiixo, haddana uu dib uga laabtay isaga oo aysan jirin cid kale oo ku cadaadisay go'aanka uu qaatay.

Hadalka xildhibaanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo sheega in uu jiro mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]