4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Dagaal ciidamo ka tirsan dowladda ku dhaxmaray degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

 

Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) –Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii cisho ee la dhaafayba ku dagaalamaya qeybo ka mid ah degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen ilaa saddex Askari oo ka wada tirsan ciidamada dowladda.

Dadka degmada Karaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku hayo dhul leysku qabsaday oo waxaa ay wararku sheegayaan in ciidamada dowladda la kala safteen dhinacyada laahaanshaha dhulka isku haya.

Xalay ayaa lagu waramayaa in mar kale dagaal isla degmada uu ku dhaxmaray ciidamada maalmahanba ku dagaalamayay halkaa, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay.

Waxaa jira baaqyo is daba joog ah oo ka soo baxaya dadka degmada gaar ahaan Aaga uu dagaalkan ku soo noq noqday oo ka dalbanaya maamulka degmada iyo heer gobol in wax laga qabto dagaalka u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale dagaal khasaare dhimasho sababay uu ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka xaafadda Tartuubka ee degmada Hodan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]