Jimco, 01 December, 2017 (HOL) : - Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur islamarkaana kasoo kicitimay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, masuuliyiinta maamulka degmadaaasi iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Baydhabo.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo soo dhaweyn kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mudada uu ku suganyahay magaalada Baydhabo uu kulamo la qaadan doono odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmadaasi.
Faahfaahin kama bixin ujeedooyinka safarrada uu ku marayo qeybo ka tirsan deegaanada Koonfur Galbeed, balse mar uu la hadlayay bulshada ayuu yiri “Qofka maxaad ku maqnayd lama yiraahdo ee maxaa keentay ayaa la yiraahdaa.” Isagoo sheegay in goordhow uu faahfaahin ka bixin doono safarradiisa.
Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Max’ed oo ay shabakadda HOL wax ka weeydiisay ujeedooyinka ka danbeeyay safarrada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa yiri “Walaahi kulamo gooni gooni ah ayaa socda oo uu la yeelano odoyaasha dhaqanka iyo madaxda maamulka, marka ujeedada safarradiisa iyo nuxurka kulamada uu la qaadanayo bulshada dib ayaan ka shaacin doonnaa.”
Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab ayaa dowladda Soomaaliya ku biiray horaanta bishii Agoosto ee sanadkan, isagoo sheegay in uu isaga baxay Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Sheekh Mukhtaar Rooboow oo gaaray magaalada Baydhabo
More News
- Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiya
- Akhriso : Isku Aadka Tartanka Cayaaraha Aduunka ee sanadka 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka
- Guddi baarayaal ah oo sheegay in dhimashada Qaraxii Zoobe gaartay 512 Ruux
- Galmudug iyo Ahlu Sunna oo heshiis hor dhac ah gaaray
- Weerar lagu qaaday Jaamacad ku taala dalka Pakistan
- Wefti ka socda dawladda Jabuuti oo kulan la yeeshay madaxweynaha la doortay ee Somaliland
- Tartanka Shataranjiga Iskuulada oo ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho
- Al-shabaab oo waddada u galay ciidamo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan
- Mahad Cawad oo la kulmay guddoomiyaha Aqlabiyada baarlamaanka Kenya
- Puntland oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay 2, 400 oo Askari
- Kulamo looga arrinsanayo sida laga yeelayo xubnaha gollaha wasiiradda cusub ee Hirshabeelle oo Jowhar ka socda