4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Mahad Cawad oo la kulmay guddoomiyaha Aqlabiyada baarlamaanka Kenya

 

Jimco, December, 01, 2017 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya.

Kulanka oo muddo Saacado ah socday, ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Goleyaasha Shacabka ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la isla gartay in wufuud labada Baarlamaan ka kala socda ay booqasho shaqo ku kala tagaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, taasi oo xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta sii xoojineysa.

Intii kulanka uu socday Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu u gudbiyey Baarlamaanka Kenya marti qaad uu ka siday guddoomiyaha golaha  Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isagu ku marti qaaday guddoonka Baarlamaanka Kenya in ay Muqdisho yimaadaan.

Wax-yaabaha kale ee muhiimka ah ee la isku af gartay waxaa ka mid ah in tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo loo fidiyo guddiyada Golaha Shacabka Soomaaliya,maamulka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka, ayaddoo tababaradaasi ay bar bar socon doonaan qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegi doona Magaaladda Nairobi dhowaan, halkaasi oo ay heshiis wada shaqeyn kula saxiixan doonaan guddoonka Baarlamaanka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]