Ibrahimovic oo dhaqiiqadihii dhimashada nafta ku soo celiyay Man United, Everton 1 - 1 Manchester

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) –Kooxda Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawaysay kooxda Everton oo kulankii hore guuldaro xun ay ka soo gaartay Liverpool. 

Kullanka ayaa ahaa mid aad u xiisa badan, waxaana uu ku bilaawday dardar xoogan, waxaana daqiiqadii 22 ee ciyaarta, kooxda Everton gool u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Phil Jagielka.

 

Kooxda United, ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, taas oo ciyaarta ka dhigtay mid aad u xiisa badan, balse nasiib wanaag daqiiqadihii dhimashada gaar ahaan daqiiqadii 90-aad ayaa waxaa rigoore loo dhigay kooxda United Gool u bedelay ciyaariyahanka Zlatan Ibrahimovic, waxaana mar qura isa qabsaday sawaxan iyo dabaal degan xoogan.

 

Man United ayaa kulankan ay ciyaartay iyada oo maanka ku haysa in waxaan guul ahayn ay sii dili doonto rajada sii yaraanaysa ee ay ka qabto in ay afarta kaalmood ee ugu sareeya ku dhamaysato.

Ciyaarta ayaa waxaa ay kusoo idlaatay Manchester United 1 – 1 Everton.

Garsooraha ciyaarta oo ahaa Neil Swarbrick oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa bixiyay, Afar jaale iyo hal raaso, waxaana roosada la siiyay Ashley Williams oo u ciyaara Everton.

 

Macalin Jose, ayaa natiijada ciyaarta ku tilmaamay mid aan caadi aheeyn, waxaana uu canaantay ciyaartooydiisa. 

75, 272 oo taageera ah ayaa ku sugneeyd garoonka Old Traffrod, halka malaayiin kalana ay kala socdeeyn shaashadaha.

Halkaan ka daawo Goolasha ciyaarta: 


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia