Talaado, April, 04, 2017 (HOL) - Culumaa'udiin Soomaaliyeed oo isu xilqaamay in ay sare u qaadaan barashada Qur'aanka Kariimka iyo culuumta kale ee Diiniga ah ayaa hirgeliyay Madarasho hab Online ah wax looga barto, taa oo ay ka faa'iideysan karaan dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka.
Madarasadan ayaa lagu diyaariyay barnaamijyo waxbarasho oo ku saabsan Qur'aanka kariimka ah iyo culuumtiisa iyo weliba Luuqadda Carabiga, ayadoo ay wax ka dhigayaan macallimiin aqoon iyo khibrad u leh shareecada islaamka.
Culuumta laga heli karo machadka habka Online-ka ah wax looga baran doono waxaa kamid ah; Qur'aanka Kariimka oo Tajwiid lagu baranayo, Axaadiis, Caqiido, Fiqi, Tafsiir iyo Luuqadda Carabiga.
Maamulka madarasadan sida Onlineka ah wax looga barto ayaa ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka faa'iideystaan iyaga iyo carruurtoodaba.
Cidii dooneeyso machadka waxa ay ka heli kartaa, Skype [Somali.islamic.academy] ama Lambarka +252633427239 kaa oo ay ka wici karaan ama Emailka [email protected].
Hiiraan Online, News Desk
Culumaa'udiin Soomaaliyeed oo hirgeliyay machad hab Online ah looga baran doono diinta Islaamka
More News
- Ibrahimovic oo dhaqiiqadihii dhimashada nafta ku soo celiyay Man United, Everton 1 - 1 Manchester
- Maamulaha guud ee shirkada Dahab –Shiil oo ka hadlay gurmadka abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya
- Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo maanta dhagaysatay dacwaddii loo haystay wariye Coldoon
- Mareykanka oo joojiyay dhaqaale uu siinayay QM
- Kulankii Todobaad ee Maal-gashiga Caalimiga oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Dubai iyo Soomaaliya oo ka maqan
- Booliska magaalladda Dubai oo xiray nin jabsaday Email-ka Aqalka cad ee Mareykanka
- Weerar Chemical ah oo lagu dily 35 qof dalka Suuriya
- Faafaahin: Koox hubeysan oo magaalada Muqdishu ku dhaawacay saddex sarkaal
- Guddiga doorashooyinka Galmudug oo magacaabay laba guddi
- Warbixin: Burcad badeed afduubtay hal Markab iyo saddex Doon mudo 30 cisho gudahooda
- Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo maanta Maxkamad lasoo taagayo
- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo khamiista la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka
- Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka digay in xildhibaannada ay ka maqnaadaan fadhiyada baarlamaanka
- Kenya oo sheegtay in ay ka foojigan tahay weeraro uga yimaada Al-shabaab