3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2016
Madaxweyne Xasan oo Museveni kala Hadlay Dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya


Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri K. Museveni ayaa maanta kulan ay ku yeesheen madaxtooyada Uganda ee Entebbe, iyagoo kaga hadleen qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa qodobbada looga hadlay, waxaa ka mid ahaa is-kaashiga dhinaca Millateriga labada waddan, doorka ciidamada Uganda ee hawlgalka AMISOM, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Gobolka iyo dib u dhiska Ciidamada Somalia.

Museveni oo shalay markii shanaad loo dhaariyay xilka madaxweynaha dalka Uganda ayaa soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso dhinacyada amniga, Siyaasadda, adeegyada bulshada iyo dib u soo nooleynta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Labadan hoggaamiye ayaa isla-gorfeeyeen doorashooyinka sannadkaan inay ka dhacaan Somalia la filayo, iyadoo uu Yoweri Museveni uu aqbalay codsi gaar ah oo uu soo Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ahaa in Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah AMISOM ay doorkooda ka qaataan sugida amniga xilliga doorashada, oo ay gacan siiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ayaa isku afgartay in marka laga soo tago iskaashiga amniga loo baahan yahay in la ballaariyo dhinacyada kale ee ay labada Dal iska-kaashan karaan; sida dhaqaalaha, Waxbarashada, Tiknolojiyadda, Arrimaha Bulshada, Dhaqanka iyo Cayaaraha.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/13/2016 1:51 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoog leh oo deegaan hoos-taga degmada Buula-burte ku dhex-maray ciidamada DF Somalia, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab.

5/13/2016 1:00 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Gudiga Kubadda Cagta ee FIFA ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay Waddanka Senegal in ay noqotay Xoghayaha guud ee Ururkaas.

5/13/2016 12:38 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Wararka aan ka helayno Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu dagaalka culus maanta ku dhaxmaray deegaanka Geeda-samo oo ka tirsan degmada Buulo-burte, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo Gacan ka helaya ciidamada AMISOM iyo Xoogag Taabacsan Xarrakada Al-shabaab.

5/13/2016 10:57 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Heshiiskii ay Midowga Yurub iyo Xukuumadda Turkiga dhawaan kala saxiixdeen ee ku saabsanaa hakinta qul-qulka Qoxootiga galaya Yurub ayaa burbur ku dhaw, kaddib markii Midowga Yurub uu shuruudo ku xireen codsigii Turkiga ee ahaa inay Muwaadiniinteedu Yurub galaan iyagoo aan wadan wax dal-ku-gal ama Viso ah.

5/13/2016 9:35 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Wafdi ka socday Qaybta Millateriga iyo Rayidka ee Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo Hay’adda UNOCHA ee Qaramada Midoobay oo doraad safar ku tagay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa Maamulka Gobolkaas kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada si loo adkeeyo ammaanka iyo kalsoonida shacabka.

5/13/2016 8:44 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Waddanka New Zealand oo ay ku nool yihiin Somali fara badan oo ka cararay colaadihii Somalia ka taagnaa labaatameeyadii sano ee lasoo dhaafay, ayay dhibaato weyn ka haysataa lacag dirista, kaddib markii xukuumadda dalkaas ay Gabi ahaan Xawaaladihii lacagaha lasii marin jiray joojisay.

5/13/2016 7:47 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go'aankii ay ku dhawaaqday Dowladda Kenya ee ay ku xirayso xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kakuma uu sii krodhin karo amni-darrada iyo falalka Argagaxisada, Iyadoo Kenya ay sheegtay inay xeryahaas oo ay ku jiraan Soomaali fara badan dabayaaqada Sannadkaan lagu jiro ee 2016-ka.

5/13/2016 7:17 AM EST
Jimce, Mey 13, 2016 (HOL)-Hayada OXFAM ee samafalka ayaa sheegtay in inkastoo xaalada helitaanka raashinku soo roonaatay Soomaaliya in in ka badan 700,000 oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaar baniaadminimo dalka gudihiisa.

5/13/2016 4:00 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo xildhibaanno ay Caqabad ku yihiin Anisxinta iyo Meel-marinta heshiisyadii ay Garoowe ku kala saxiixdeen Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

5/13/2016 3:37 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Roob dabaylo iyo Danab wata, ayaa Waxyeello xoog leh soo gaarsiiyey deegaanno kala duwan oo degmada Taleex ee gobolka Sool ka tirsan, taasoo dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeedba isugu jirta.

5/13/2016 3:12 AM EST
Jimce, Mey 13, 2016 (HOL)-Ciidamada hawlgalada gaarka ah ee Mareykanka ayaa amar lagu siiyay inay duqeeyaan Al-Shabaab gudaha Soomaaliya kadib markii hawgal la waday uu isu rogay dagaal aanan la fileyn.