9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2016
Roobab Dabeylo wata oo Khasaare Xooggan ka geystay Degmada Taleex ee Gobolka Sool (SAWIRRO)

Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Roob dabaylo iyo Danab wata, ayaa Waxyeello xoog leh soo gaarsiiyey deegaanno kala duwan oo degmada Taleex ee gobolka Sool ka tirsan, taasoo dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeedba isugu jirta.

Roobkan oo habeenimadii xalay ahayd maasheegey degmada Taleex ayaa waxay baabi’iyeen 40-guri iyo tiro aan la hubin oo ah Sandaqadaha Ganacsiga iyo kuwa la dago isugu jira, sida uu HOL u xaqiijiyay Sheekh Taqile oo ka mid ah Culummada degmada Taleex.

Ugu yaraan Siddeed ruux ayaa ku dhaawacmay Roobabka wata Dabeylaha ee Xalay ku Dhuftay Taleex - sida uu HOL u sheegay Iimaan Cali Faarax oo goob caafimaad ku leh degmadaas, kuwaasoo laba ka mid ahi ay dhaawacyadoodu aad u culus yihiin, dhamaantoodna waxaa lagu daweynayaa magaaladaas.

Meelaha khasaaraha xoogga lihi gaadhey waxaa ka mid ah Dugsiga Hoose/Dhexe - Taleex oo ahaa mid gaboobay, Taawar kuwa is-gaadhsiinta ah oo Hawl-gab ahaa; kaasoo khasaare badan geystay markii ay dabayluhu ku dhufteen.

Sidoo kale, deegaanka lagu magacaabo Jir-isku-kuf oo qiyaastii 60-km W/galbeed kaga aaddan Taleex, wuxuu danab ku dilay Wiil dhallinyaro ah, halka xoolo kala duwanna uu halkaasi ku laayay, sida uu noo xaqiijiyey Iimaan Cali Faarax.

Degaannada Sarmaanyo, Kalcad iyo Xerta - ayaa khasaarayaal kala duwan laga soo sheegayaa, kuwaasoo u badan guryo dumay Inkastoo aan la sheegin wax khasaare bani’aadam ah oo ay geysteen.

Ugu dambeyn, ma jiraan illaa hadda wax gurmad ah oo Magaalada Taleex ku socda iyo mid gaarey toona, iyadoo sida ay Muujinayaan Muuqaalladda laga soo Tabinayo ay waddo kasta quban yihiin jiin-gado qaarkoodna ay gaareen deegaanno aad uga fog degmada Taleex.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool












Click here
5/13/2016 1:51 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoog leh oo deegaan hoos-taga degmada Buula-burte ku dhex-maray ciidamada DF Somalia, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab.

5/13/2016 1:14 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri K. Museveni ayaa maanta kulan ay ku yeesheen madaxtooyada Uganda ee Entebbe, iyagoo kaga hadleen qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

5/13/2016 1:00 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Gudiga Kubadda Cagta ee FIFA ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay Waddanka Senegal in ay noqotay Xoghayaha guud ee Ururkaas.

5/13/2016 12:38 PM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Wararka aan ka helayno Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu dagaalka culus maanta ku dhaxmaray deegaanka Geeda-samo oo ka tirsan degmada Buulo-burte, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo Gacan ka helaya ciidamada AMISOM iyo Xoogag Taabacsan Xarrakada Al-shabaab.

5/13/2016 10:57 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Heshiiskii ay Midowga Yurub iyo Xukuumadda Turkiga dhawaan kala saxiixdeen ee ku saabsanaa hakinta qul-qulka Qoxootiga galaya Yurub ayaa burbur ku dhaw, kaddib markii Midowga Yurub uu shuruudo ku xireen codsigii Turkiga ee ahaa inay Muwaadiniinteedu Yurub galaan iyagoo aan wadan wax dal-ku-gal ama Viso ah.

5/13/2016 9:35 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Wafdi ka socday Qaybta Millateriga iyo Rayidka ee Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo Hay’adda UNOCHA ee Qaramada Midoobay oo doraad safar ku tagay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa Maamulka Gobolkaas kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada si loo adkeeyo ammaanka iyo kalsoonida shacabka.

5/13/2016 8:44 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Waddanka New Zealand oo ay ku nool yihiin Somali fara badan oo ka cararay colaadihii Somalia ka taagnaa labaatameeyadii sano ee lasoo dhaafay, ayay dhibaato weyn ka haysataa lacag dirista, kaddib markii xukuumadda dalkaas ay Gabi ahaan Xawaaladihii lacagaha lasii marin jiray joojisay.

5/13/2016 7:47 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go'aankii ay ku dhawaaqday Dowladda Kenya ee ay ku xirayso xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kakuma uu sii krodhin karo amni-darrada iyo falalka Argagaxisada, Iyadoo Kenya ay sheegtay inay xeryahaas oo ay ku jiraan Soomaali fara badan dabayaaqada Sannadkaan lagu jiro ee 2016-ka.

5/13/2016 7:17 AM EST
Jimce, Mey 13, 2016 (HOL)-Hayada OXFAM ee samafalka ayaa sheegtay in inkastoo xaalada helitaanka raashinku soo roonaatay Soomaaliya in in ka badan 700,000 oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaar baniaadminimo dalka gudihiisa.

5/13/2016 4:00 AM EST
Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo xildhibaanno ay Caqabad ku yihiin Anisxinta iyo Meel-marinta heshiisyadii ay Garoowe ku kala saxiixdeen Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

5/13/2016 3:12 AM EST
Jimce, Mey 13, 2016 (HOL)-Ciidamada hawlgalada gaarka ah ee Mareykanka ayaa amar lagu siiyay inay duqeeyaan Al-Shabaab gudaha Soomaaliya kadib markii hawgal la waday uu isu rogay dagaal aanan la fileyn.