4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2016
Dagaal Ciidamada DF, AMISOM iyo Al-shabaab ku Dhax-maray Deegaan ku Dhaw Buula-burte


Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Wararka aan ka helayno Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu dagaalka culus maanta ku dhaxmaray deegaanka Geeda-samo oo ka tirsan degmada Buulo-burte, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo Gacan ka helaya ciidamada AMISOM iyo Xoogag Taabacsan Xarrakada Al-shabaab.

Mas'uuliyiinta maamulka Degmada oo ay aanu xiriir la sameynay nooma Suuro-gelin inaan helno, balse Wariye ku sugan Degmada Buula-burte ayaa HOL u sheegay in dagaalku ahaa mid culus oo dhincayadu isku adeegsadeen hub kala gadisan.

Wariyahan ayaa intaa ku daray in dagaalku markiisii hore ka bilaawday gadiid khaad u soo siday Buulo-burte oo ay jidka u galeen xoogagga Al-shabaab, balse markii danbe ay arintaa ku baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Illaa iyo hadda, dhab ahaan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan, In-kastoo wararka qaar sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray.

Degmada Buula-burte oo ay Gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaybo ka mid ah  Deegaannada hoos-taga, Waxaa wali maamula xoogagga Al-shabaab.

Ugu dabmeyn, Mas'uuliyiinta maamulka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa marar badan oo hore sheegay inay qorsheynayaan howlgalo Al-shabaab looga saarayo deegaannada hoostaga degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya