4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2016
OXFAM: Dhaqaalaha Somalia Waxaa Burburiyay Abaaro, Colaado Jiitamayay iyo Kaabayaal la'aan


Jimce, Mey 13, 2016 (HOL)-Hayada OXFAM ee samafalka ayaa sheegtay in inkastoo xaalada helitaanka raashinku soo roonaatay Soomaaliya in in ka badan  700,000 oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaar baniaadminimo dalka gudihiisa.

OXFAM ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 2 milyan oo qof oo ah dadka Soomaaliya, gudaha Soomaali ay dhibaatooyin dhanka maciishada ah ay heystaan.

Intaa waxaa dheer oo hayadaasi sheegtay,  in qiyaastii 1 milyan oo qaxooti ah oo Soomaaliyeed ay u qaxeen kuna rafaadsan yihiin  Kenya, Itoobiya, Yemen and Uganda,  halka in kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ay kubarakacsan yihiin gudaha dalka.

Kumanaan kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo kasoo laabtay Yemen dagaalka dalkaasi kasocda ee u dhexeeya xulafada Sucuudigu hoggaaminayo iyo fallaagada Xuutiyiinta dartii iyo kumanaan qaxooti Yemeniyiin ah ayaa kusugan dalka.

Qore: Warsame
[email protected]