4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Taliska AMISOM oo ka hadashay Afar qof oo ciidamadoodu ay ku dileen dulleedka Buulo-mareer

/images/gallery/2015324635627663317445590AUTroops.jpg
Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin afartii qof ee shalay ku dhintay shilkii ka dhacay dulleedka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo xusay in ciidamadooda ay ku hawlanaayeen sidii ay uga hortegi lahaayeen Al-shabaab.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegeen in ciidanku ay goobtaas dhigteen jid-gooyo, balse gaarigan uu si xawli ah ku dhaafay, isla markaana ay u hoggaansami waayeen wadayaasha gaariga amarradii kasoo baxayay ciidamada, dilkuna uu sidaas ku dhacay.

"Ciidamadu waxay moodayeen gaariga mid miineysan, rasaastii ayay gaariga ku fureen, taas ayaana keentay dhimashada Afarta ruux ee rayidka ah," ayaa lagu yiri warbixinta AMISOM. iyagoo xusay inay aad uga xun yihiin rayidkii ku dhintay hawl-galkaas intii uu socday.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shilkaan lagu sameynayo baaris dheeraad ah, haddii ay askarta ku caddaado inay falkan baraare ugu geysteen shacabka shraciga ayaa lala tiigsan doonaa. waxaana talisku uu ku daray intaas in ciidamada AMISOM ay qabaan tababarro la xiriira ilaalinta rayidka iyo xuquuqda aadanaha.

"Marka ay baaritaannadu soo dhamaadaan, natiijada soo baxda waxaa loo gudbin doonaa Guddiga Midowga Afrika si ay arrintan go'aan uga gaaraan," ayaa lagu yiri Warbixinta AMISOM ay kaga hadlaysay dilka Afartii ruux ee ay shalay ciidamada AMISOM ku dileen dulleedka deegaanka Buulo-mareer.

Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaa xusay in falkaan ay baaritaanno wadajir ah ku sameyn doonaan guddi dhankooda ka socda iyo guddiyo ka socda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Koonfur-galbeed oo halkaas ka taliya.

Ugu dambeyn, hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ay Ciidamada AMISOM Toogasho ku dileen shalay afar qof oo shacab ah, kuwaasoo isugu jiray haweeney waayeel ah, gabar sagaal jir ah iyo laba rag ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya