Shir looga hadlayo baahinta nidaamka Federaalka oo Kismaayo uga furmay dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ka jira
Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) —Wafdi uu hogaaminayo xogyahaha joogtada ee wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Yaxye Sheekh Ibraahim islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirada arimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaa uu ka furmayo shir looga hadlayo baahinta nidaamka federaalka.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Mudane Max’ed Warsame Darwiish, xildhibaanno iyo masuuliyin kale.
Mudane Darwiish oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan madaxda ka socoto wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya iyo wasiirada arimaha gudaha dowlad goboleedyada, islamarkaana ay sharaf weyn u tahay in shirka looga tashanayo baahinta hannaanka federaalka ay marti geliso magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Jubaland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Yaxye Sheekh Ibraahim ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in uu furmi doono shir looga tashan doono fahanka nidaamka federaalka ee uu dalka qaatay iyo weliba sidii nidaamkaasi loogu baahin lahaa dalka.
Intaa kadib ayaa masuuliyiinta waxaa loo gelbiyay guriga martida, halkaa oo ay kula kulmeen madaxweeynaha Jubaland, kaa oo u daahfuray shirweeynihii qaran ee looga hadlayay arimaha federaalka iyo weliba sidii loogu baahin lahaa dalka, isagoo sheegay in loo baahanyahay in madaxda Soomaaliyeed marba gobol ku shiraan, islamarkaana heshiiyaan ayaga oo aan la dhexdhexaadinayn.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Tartan Qur'aan Akhris ah oo Maanta uga Furmay Muqdisho Arday ka Socda 18-ka Gobol ee Dalka
- Shir-madaxeedkii looga hadlay Amniga Afrika oo Maanta lagu soo gunaanaday Bahir Dar, Ethiopia
- Madaxweynaha Somalia & RW Itoobiya oo kulan ku yeeshay Magaalada Bahir-Dar ee Itoobiya
- Dacwad laga Gudbiyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali (SAWIRRO)
- SAWIRRO: RW Somalia oo Wadamada Islaamka kala shiray Arrimaha Somalia & kuwa Muslimka
- Shirka Amniga Afrika ee Sannadkan oo diiradda lagu saarayo sidii Xal loogu heli lahaa Qaaradda
- Kooxo hubeysan oo laba Haween ah ku toogtay Muqdisho - laba Ruux oo kalena ku dhaawacay
- ETHIOPIA: Dabley kasoo jeedda South Sudan oo dilay 140 qof oo Rayid ah Ilmo badana Afduubay
- Taliska AMISOM oo ka hadashay Afar qof oo ciidamadoodu ay ku dileen dulleedka Buulo-mareer
- Ardayda Iskoolada Kenya oo Fasax Kujira; Inay Diinta Ku Dadaalaan oo Lagula Dardaarmay