TARSAN: Xuquuqdii Gobolka Banaadir Waxaa Dayacay Mas'uuliyiinta Sare ee Dalka (Dhageyso)


Axad, May 22, 2016 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max'uud Axmed Nuur [Tarsan], oo ka hadlay xuquuqda Gobolka Banaadir ee la doonayo in laga Duudsiiyo ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid ay mas’uul ka yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwo Maamul-goboleedyada oo Heshiis ku gaaray in la sameeyo labo Aqal oo kala ah; Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

Tarsan ayaa yiri. “Aniga ma aaminsani wax la yiraahdo Aqal sare, Waxaan Aamin-sanahay in la yiraahdo Aqalka odayaasha, sababta loo sameeyayna waa mid lagu doonayo in qoorta la isku-geliyo Golaha Shacabka iyo Aqalka odayaasha; sidii ay isku-qabsan jireen madaxda dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.”

DHAGEYSO: Wareysi uu Duqii hore ee Muqdisho Tarsan kaga Hadlay Arrintaan;

Sidoo kale, Duqii hore ee Magaalada Muqdisho ayaa xusay in Arrintan looga dan leeyahay in siyaasadda Waddanka meel ay u socoto la waayo, uuna yimaado jah-wareer ballaaran oo dhinac walba ah.

Ugu dambeyn, Tarsan ayaa xusay in lagu tacad-diyay Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, isagoo intaa ku daray in shacabka Muqdisho ay hurdada ka kacaan oo ay xuquuqdooda soo dhacsadaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya