Axad, May 22, 2016 (HOL) —Xero lagu tababaro booliska oo ku taal nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu tababar uga socdaa ku dhawaad 400 oo askari oo kamid noqon doona ciidamada Booliska Jubaland, ayadoo 200 oo kamid ah ciidankaasi oo si gaar ah loo tababary uu usoo dhamaaday tababarka lana filayo in dhawaan loo soo xiro.
Tababarka ciidankan ayaa waxaa iska kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedka Jubaland iyo ciidamada AMISOM.
Ciidankan ayaa la siiyay tababarro kala duwan oo la xiriira sugidda amniga dowladda iyo shacabka iyo ka hortagga falalka ka dhanka ah ammaanka, waxaa sidoo kale la baratay ka hortagga rabashada iyo weliba sidii ay ula dhaqmi lahaayeen dadka rayidka ah.
Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish iyo saraakiil kale oo ka tirsan Jubaland ayaa maanta kormeeray ciidanka ku jira xerada lagu tababaro Booliska ee nawaaxiga garoonka Kismaayo.
Ciidamada ayaa soo bandhigay gaada ka ciyaar iyo xirfadaha dhanka amniga ah ee ay barteen, waxaana bandhigooda qeyb ka ahaa sida ay ula tacaamuli lahaayeen xilliyada ay dhacaan dibadbaxyada rabashada wata.
HALKAN KA DAAWO CIIDAMADA OO DHOOLLA-TURS SAMEYNAYA;
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
kismaayo-Soomaaliya
Jubbaland oo yeelanaysa Booliis Tababbar Casri ah la siiyay (DAAWO)
More News
- Dowladda Somalia oo safiir cusub u magacowday Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Roma, Itlay
- Siilaanyo oo Maanta Cafis u Fidiyay 14 Qof oo ay Maxkamadi Xukun ku Riday Dhawaan (Sawirro)
- SAWIRRO: Ciidamo ka Tirsan Booliiska Gobolka Banaadir oo Tababbar loogu soo Xiray Muqdisho
- Afar Qof oo Maanta Caabud-waaq lagu dilay iyo Xiisad ka taagan Degmadaas
- TARSAN: Xuquuqdii Gobolka Banaadir Waxaa Dayacay Mas'uuliyiinta Sare ee Dalka (Dhageyso)
- Jose Mourinho oo noqonaya Macallinka Cusub ee Kooxda Manchester United ee ka dhisan UK
- SAWIRRO: Ururrada Haweenka oo ku baaqay in Wax laga Qabto Dhibka ka jirta Gobolka Hiiraan
- Kenya oo sheegtay inay dib u eegayso in ciidanka kaga sugan Soomaaliya ay kala baxdo iyo in kale
- Shacab Reer Somaliland ah oo qoraal ay Wadajir u Saxiixeen u Gudbiyay Golaha Wakiilada (SWR)
- Dhakhaatiir Hindi ah oo Aqoon-kororsi u Qabtay Ardada Jaamacada Banaadir (Daawo SAWIRRO)
- BURCO: Khilaaf ka Taaagan Golaha Deegaanka iyo Xildhibaanno Doortay Guddoomiye Cusub
- Madaxweynaha Somalia oo Xeer ka soo saaray hannaanka doorashada dadban ee 2016-ka
- Wada Hadalada Nabadda ee Burundi oo Ka Socda Caruusha, Tanzania
- Mareykanka oo diiday in ay isaga iyo Ruushka si wada jir ah u fuliyaan duqeynta Suuriya
- Maxaa Hor-taagan Ansixinta Hanaanka Geeddi-socodka doorashada dalka ee sanadkan 2016-ka?
- Ciidamada Somalia iyo Jabuuti oo u Gurmaday Dadka ku Go’doomay Fatahaada Baladweyne (Sawirro)
- QM oo ay u Suurta Gali Weyday Inay Hor Joogsato Go'aanka Kenya ee Kusaabsan Xiridda Xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma