Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) —Ayadoo dhawaan ciidamada kala duwan ee Puntland ay ku guuleysteen in deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ay ka saaraan maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab kadib dagaallo xooggan oo dhinacyadaasi dhexmaray ayaa waxaa arintaasi soo dhaweeyay maamulka Jubaland oo ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan.
Afhayeenka dowlad goboleedka Jubaland C/naasir Seeraar Maax oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyay Puntland qasaarihii kasoo gaaray weerarkaasi, isagoo sheegay in ka Jubaland ahaan ay marwalba garab taaganyihiin maamulka iyo shacabka Puntland.
Ahfayeenka ayaa hadalkiisii raaciyay. “Marnaba raali ka noqonmeeyo in xad gudub lagu sameeyo amniga ka jira Puntland iyo nidaamka dowladnimo ee mudada dheer jiray in lagu cayaaro, ama cadow gudaha ku jiro ha noqdo ama mid bannaanka ah, amaba Al-shabaab, marna ma ogolaaneeyno.”
Waxa uu sheegay in jawaab celinta Puntland ee maleeyshiyaadkaasi ay tahay tallaabo cashar u noqoneeysa Al-shabaab, isagoo dhinaca kale sheegay in loo baahanyahay in reer Puntland ay marwaliba muujiyaan isku duubni iyo midnimo, taa oo uu sheegay in cadow kasta looga guuleeysan karo.
Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa dhawaan duulaan ku qaaday deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ee Puntland, haseyeeshee Puntland ayaa jawaab celin xooggan ka bixisay, ayadoo weerarro culus ay ku qaaday kooxahaasi uga guuleysatay in ay ka saaraan dhammaan deegaanadii ay kusoo duuleen, ayagoo sidoo kale gacanta ku dhigay maleeyshiyaad ka tirsan kooxdaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Jubbaland oo bogaadisay guulihii ay ka gaareen Ciidanka Puntland Dagaalkii Ururka Al-shabaab
More News
- SAWIRRO: Xaflad Xisbiga Badbaadada Ummada Soomaaliyeed Maanta loogu Qabtay Muqdisho
- GALMUDUG: Ciidankeenu waxay baac-sanayaan Al-shabaabkii kusoo firxaday Deegaannadeenna
- SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo Maanta tagay Aaggii lagu dagaalay ee deegaanka Garacad
- Shirkii Wasiirada XFS oo looga Hadlay Dagaalkii Puntland iyo Socdaalkii RW ku tagay Baladweyne
- Dufcaddii 15-aad oo Wiilal iyo Gabdho ahaa oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Muqdisho (SAWIRRO)
- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab
- SAWIRRO: Hormuud Foundation oo ka Qaybisay Daawo Duulleedka Jowhar - Caawisayna Tarxiil
- Ururro Dhallinyaro oo Xarunta KANAVA Maanta kaga Dhawaaqay Dallad ay ku Mideysan yihiin
- Xildhibaanno Mareykan ah oo Somalia u dalbay lacag kaalmo ah oo ku dhow 88-Milyan oo Dollar
- Jubaland oo sheegtay in howlgallo ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo ay Khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab
- Dagaal u dhexeeya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Al-shabaab oo hada ka socda Gobolka Mudug
- Hawlgallo laga sameeyay Boosaaso oo lagu soo Qab-qabtay dad shacab ah oo ka badan 150-qof
- Beelaha Hiiraan oo beeniyay in uu is Af-garad ku dhammaaday kulankii ay la qaateen RW Somalia