Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa sheegay in howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen duleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo ay ku bartilmaameedsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayeen deegaano hoostaga degmada Kismaayo islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen.
Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max’uud Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerar culus ay shalay gelinkii danbe ku qaadeen deegaanka Buuloxaaji oo qiyaastii 90 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo.
Masuulkan ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena ay dhaawaceen gudoomiyihii deegaanka Buuloxaaji ee Al-shabaab.
“Gudoomiyihii Buulo Xaaji Xasan Cadde nin la yiraahdo ayuu dhaawac culus kasoo gaaray howlgalkii shalay,” ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.
Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubaland ay ka soconayaan qorsheyaal ay madaxda Jubaland ku doonayaan in ku weeraraan goobaha ay Al-shabaab uga sugantahay Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo-Soomaaliya.
Jubaland oo sheegtay in howlgallo ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo ay Khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab
More News
- SAWIRRO: Xaflad Xisbiga Badbaadada Ummada Soomaaliyeed Maanta loogu Qabtay Muqdisho
- GALMUDUG: Ciidankeenu waxay baac-sanayaan Al-shabaabkii kusoo firxaday Deegaannadeenna
- SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo Maanta tagay Aaggii lagu dagaalay ee deegaanka Garacad
- Shirkii Wasiirada XFS oo looga Hadlay Dagaalkii Puntland iyo Socdaalkii RW ku tagay Baladweyne
- Dufcaddii 15-aad oo Wiilal iyo Gabdho ahaa oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Muqdisho (SAWIRRO)
- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab
- SAWIRRO: Hormuud Foundation oo ka Qaybisay Daawo Duulleedka Jowhar - Caawisayna Tarxiil
- Jubbaland oo bogaadisay guulihii ay ka gaareen Ciidanka Puntland Dagaalkii Ururka Al-shabaab
- Ururro Dhallinyaro oo Xarunta KANAVA Maanta kaga Dhawaaqay Dallad ay ku Mideysan yihiin
- Xildhibaanno Mareykan ah oo Somalia u dalbay lacag kaalmo ah oo ku dhow 88-Milyan oo Dollar
- Dagaal u dhexeeya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Al-shabaab oo hada ka socda Gobolka Mudug
- Hawlgallo laga sameeyay Boosaaso oo lagu soo Qab-qabtay dad shacab ah oo ka badan 150-qof
- Beelaha Hiiraan oo beeniyay in uu is Af-garad ku dhammaaday kulankii ay la qaateen RW Somalia