Madaxweynaha Puntland oo Xilalkii ka Qaaday Taliyihii Nabad-sugidda PL iyo ku-xigeenkiisii


Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa wareegto Xafiiskiisa kasoo baxday Xilalkii uga qaaday Sharmake Shiikh Doon iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan, iyadoona la magacaabay Taliye Cusub iyo Ku-xigeen oo ahaa Taliyayaasha Hay’adda Nabad-sugidda Puntland.

Hay’adda PIA-da - (Puntland Intelegence Agency) ayaa Taliyaheeda loo magacaabay, Col. Maxamud Cabdi Maxamad, Waxaana ku xigeenna looga dhigay G/lle Dhexe, Siciid Salaad Maxamad.

Sidoo kale, Wareegtadan kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Puntland, ayaa sidoo kale lagu Magacaabay Taliyaha ilaalada Xarunta Hay’adda PIA-du ka Deggen tahay Magaalada Garoowe, iyadoo loo magacaabay xilkan Col. C/qaadir Jamac Maxamad.

Ugu dambeyntii, Xil-ka-qaadista Saraakiishan - ayaa timid kaddib Wada-shaqayn la’aan ka Dhex-jirtay Muddo Agaasimaha Hay’adda PIA-da Puntland iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya