
Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL) — Cabdullaahi Ibraahim Isbiimo - oo horay uga tirsanaa Maamulka Degmada Dharkenley iyo Darawalkiisii ayay Kooxo Hubeysan ku Dileen Degmadaasi.
Koox hubeysan oo saarnaa Mooto Bajaaj-ta ayaa gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen labada ruux ee la dilay waxaa ay ku fureen rasaas.
Sidoo kale, Kooxda Mootada wadatay ayaa Gaariga isku hor gooyay kadibna rasaas ayeey ku fureen raggii saarnaa oo marayay xaafada Salaama ee Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir .
Guddoomiyaha Dharkeenleey oo la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in dhacadadaasi ay degmadiisa ka dhacday ,waxaana uu intaasi ku daray in ay hadda degmada ka wadaan Baaritaan lagu doonayo in lagu soo qabto Dadkii falkaasi dilka ah geystay balse meesha isaga baxsaday markii ay dhacdadu sameeyeen.
Ugu dambeyntii, Xaafadda Salaam ee Degmada Dharkenley ayay Maamulka Degmadaas dajiyeen ciidammo ka tirsan Nabad-sugidda kaddib markii ay bateen falalka liddiga ku ah amniga ee ka dhacaya Degmadaasi..
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya