Arbaco, Janaayo 06, 2016 (HOL) — Waxaa maalintii shalay Qubuuraha Daharo-Ugaas oo 7-km bari kaga aadan deegaanka Halgan lagu aasay Allaha u raxmadee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, oo Axadii aynu soo dhaafnay si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Beledweyne.
Aaska Ugaaska waxaa ka qayb-galay shacab ka kala yimid degmooyinka gobolka Hiiraan, Waxaana ka mid ahaa Boqollaal ruux oo shacab ah oo maalintii shalay meydka ka raacay magaalada Beledweyne oo salaada jinaasada lagula tukaday.
Ma jirin wax mas'uuliyiin ah oo ka Qayb-galay Aaska marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, hase ahaatee salaadii jinaasada, waxaa ka qayb-galay mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Ugaasyo, salaadiin, iyo waxgarad kale oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya iyo caasimada Muqdisho.
C/'raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)