Arbaco, Janaayo 06, 2016 (HOL) — Bandhig faneed casri ah oo [Showga Nabadda & Dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka] loogu magac-daray ayaa la filayaa in Jimcaha soo socda lagu qabto Garoonka Kubdada Cagta ee Banaadir [Ex Conis Stadium] ee magaalada Muqdisho.
Guddiga qaban-qaabadda bandhigan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee bandhigaasi oo ay ka qayb-geli doonaan fanaaniin caan ah oo isugu jira kuwo ka tirsan hoballada Waaberi iyo fanaaniin dhawaan Muqdisho yimid oo ay ka mid yihiin; Axmed Nasta, Iidle yare, Hodan C/raxmaan, Idil Caddow iyo Weliba Muusigiiste Xasan Cujeer Cajami, kuwaasoo Toddobaadkii hore magaalada Muqdisho ku qabtay Bandhig-faneed aad iyo loola dhacay.
Guddigu waxay tilmaameen inay kumannaan qof ay sii goosteen tikidhada si ay uga qayb-galaan daawashada bandhigaasi, iyadoo qiimaha tikidhkana uu yahay laba dollar oo keliya.
Ugu dambeyn, kharashka kasoo xarooda bandhig faneedka Jimcaha soo socoda lagu qaban doono Garoonka kubadda cagta ee Banaadir ayaa loogu talo-galay in lagu taageero dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka ‘The National Theater’ iyo in lagu caawiyo fannaaniinta ku xanuunsan Muqdisho.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)