SOMALILAND:Bannaanbax looga soo hor-jeeday ajnabi dhul la siiyay oo Maanta ka dhacay Sheekh


Sabti, Feberaayo 06, 2016 (HOL) — Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa Iska-hor-imaad waxay la galeen maanta Dad Shacab ahaa oo kasoo hor-jeedda dhul ay xukuumaddu horay ugu Wareejisay Nin Ajnabi ah, Dhulkan ku yaalla Bariga Magaaladda Sheekh ee Gobolka Saaxil ee Somaliland, kaasoo maal-gashi ahaan loo siiyay.

Dadweyne careysan oo dhulka ninka ajnabiga ah la siiyay diidan iyo ciidanka amniga ayuu iska-hor-imaad ku dhexmaray Dhulkaasi la isku haysto, Waxaana halkaasi ku dhaawacmay hal askari oo ciidanka amniga ka tirsan.

Shacabka isku-soo-baxay ayaa ka careysan ninka Carabka ah ee lagu wareejiyey dhulkaasi, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen dhulkaasi lama siin karo qof Ajanabi ah iyo hadallo ay kaga soo horjeedaan ajanabiga dhulkaasi lagu wareejiyey.

Ugu dambeyn, isku-soo-baxaan ayaa Noqonaya mid lagu diiddan yahay dhulkaasi la siiyey ninkaasi ajanabiga ah, waxaanay diidanayeen in dhulkaasi la siiyo dad ajanabi ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland