Baladweyne: Kulan looga Wada-hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe


Sabti, Feberaayo 06, 2016 (HOL) — Kulankii ugu horeeyay oo dhexmara wasiirka amniga iyo xildhibaannada socdaalka ku wehlinaya iyo Siyaasiyiin horay jagooyin uga soo Qabtay Dowladihii dalka soo maray, odayaal dhaqameed, Waxgarad & boqolaal dadweyne ah ayaa ka dhacay hoolka kulammada xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Waxaa Shirka ka Qayb-galka oo Goob-joog ahaa; Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar iyo aqoonyahanno  maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ahaa Xubnihiika Qeyb-galka Shirka ayaa ku dheeraaday sababta socodaalkooda Beledweyne iyo aragtidooda la xiriirta dooda adag iyo is-mar-waaga Siyaasadeed ee ka taagan qorshaha Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo sheegay in mar walba ku shaqeynayaan sida uu hadalkiisa u dhigay rabitaanka bulshada ay ku matalaan siyaasada.

“Annaga go'aan aan iskeen u gaarnay ma jiro, halkaan waxaa u joognaa inaanu wada-tashi idin la yeelanno Dooddiina dhageysanno, kaddiban Farriinta aad noo dhiibtaan u gudbinno mas'uuliyiinta ugu sarreysa dalka iyo cidda kale oo ay markaas khuseyso'' ayuu Goodax ku yiri hadal uu shirka ka jeediyay.

Xildhibaanka oo soo qaaday shirka Jowhar, ayaa sheegay in sida wax loo maamulayay aan lagu tilmaami karin sidii saxda ahayd ee loo baahnaa, wuxuuna hadalkiisa ku daray inuu ka garaabayo Gadoodka bulshada ku dhaqan Gobolka ay arintaa ka muujiyeen.

''Waan la qabaa bulshada in waxa ka dhacay Jowhar aysan ahayn wax sax ah, laakiinse loo baahan yahay in la Gor-gortamo oo Rabitaanku cad yahay, Hiiraan marka baaxad ahaan la eego tariikhda uu leeyahayna la fiiriyo waxaa uu u dhigmaa labo gobol, siddaa daraadeed in lagu ixtiraamo ayeey ila tahay arintaa, haddii aan taa la helin dariiqo kale ayaa markaa furan, balse marka hore waa in la wadda raadiyo xuquuqaha maqan'' ayuu yiri xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Drs. Maryan Xaaji Cilmo oo ka mid aheyd Aqoon-yahannadii kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegtay in siyaasadu tahay mid furan oo u baahan in lagu tartamo, laakiinse waxaa dhaliil xoog leh u jeedisay habka geeddi-socodka dhismaha maamulka labadaan Gobol oo sida ay sheegtay wax badan ka qaldan yihiin, waxayna dhinaca kale bjulshada ku boorisay inay ku raadiyaan rabitaankooda si mideysan oo ka maran xamasad iyo laab-lakac.

Siyaasiga Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ahaa ka qayb-galayaashii shirkii maanta, ayaa mar kaliya bedelay jawiga shirka, kaddib markuu ka dhawaajiyay qodobbo si weyn dadku aad moodo in ay ugu Dheg-taagayeen oo Taabanayay halka arrimuhu iska diiddan yihiin, isaga oo markii danbana cod galiyay rabitaanka bulshada ee ka qeyb-galka shirka Jowhar oo dhamaan boqolaalkii ruux ee ku sugnaa madasha isku raaceen in aan laga qeyb-galin.

Ibraahim Xabeeb ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sidda weyn ugu ololeynaya in Bulshada ku dhaqan gobolka Aayahooda ka wadda-hadlaan, islamarkaana sameystaan nidaam u gaar ah.

Dhammaan odayaashii dhaqanka ka hadlay Kulankaan ayaa xusay inay isku raacsan yihiin tallaada Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo go'aanka uu mar walba ka qaato arrimahan taagan ee la xiriira dhismaha maamulka labada gobol.

Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qoshaha Dhismaha maamulka labada gobol yahay qorshe ay go'aan ku gaartay dowladda Somalia oo aan la is-hortaagi karin, isagoo tusaale u soo qaatay maamullada Puntland & Jubbaland oo uu xusay inay doonistoodii siyaasadeed ka waayeen shirkii wada-tashiga, balse wuxuu dhinaca kale sheegay in uu qaadayo fariinta bulshada una gudbin doonno mas'uuliyiinta kale dowladda.

Ugu dambeyn, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo kulanka soo xiray ayaa sheegay inuu Aq-balay dareenka ka qayb-galayaasha shirka, wuxuuna sidaas kusoo xirmay kulanka oo la isku af-gartay inaan waqtigaan aan laga qayb-galin shirka Jowhar.

Xubnaha ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, iyaga oo kulamo iyo is aragyo gooni gooni ah la lahaa qeybaha bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya