Saddex xildhibaan oo midkood la filayo in uu noqdo guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee baarlamaanka

Cabirka Farta

Talaado,  December,  27, 2016 (HOL) – IYADOO goor la filayo in magaalada Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaannada labada aqal ee la dhawaan la soo doortay, ayaa dhinaca kale la filayaa in mudanayaasha iska soo dhax doortaan qofka ugu da’da weyn oo sii shir guddoomin doona kulamada xildhibaannada inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah ee baarlamaanka cusub.

Inta la og-yahay ilaa iyo hadda saddex xildhibaan ayaa midkood la filayaa in loo doorto gudoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee baarlamaanka,  kuwaasoo kala ah Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda  gobollada W/qooyi  ee dhawaan lagu doortay magaaalada Muqdisho.

Xildhibaanka kale ee ku soo xiga ayaa ah taliyihii hore ee ciidammada booliiska Soomaaliyeed Shariif Sheekunaa Maye,  halka sidoo kale xildhibaanka saddexaad lagu tilmaamayo wasiirkii hore ee arrimaha dibada dowladii ku-meel-gaarka aheyd C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka cusub.

Saddexdan xildhibaan ayaa midkooda la filayaa in uu ku soo baxo ama loo sii doortay gudoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee sii shir guddoomin doona fadhiya xildhibaannada, ilaa laga soo dooranayo guddoonka rasmiga ah ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, wali ma aysan bilaaban dhaarinta xildhibaannada, hasse ahaatee waxaa socta qaban-qaabo xoog leh,  waxaana diyaar ku ah goobta munaasabada lagu qabanayo oo ah Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio inta badan xildhibaannada la filayo in ay ka qeyb-galaan munaasabada dhaarta.

Hadaba wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]