
Talaado, Diseembar 27, 2016 [HOL]-Masuuliyiin kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ka cawday in kuraasta dheeraadka ah laga qadiyay masuuliyiinta gobolka Banaadir ama beelaha daga gobolkaa.
Kuraastaa ayaa ah 18 dheeraad ah oo dhawaan lagu kordhiyay aqalka sare. Gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir [caasimada Muqdisho iyo nawaaxigeeda] ayaa ka cawday go'aan ka soo baxay madasha qaran kaasoo ku daray 18 kursi oo dheeraad ah aqalka sare.
Aqalka sare ayaa markii hore ka koobnaa 54 kursi balse waxaa lagu daray sideed iyo tobankaa ayadoo dadka Banaadir ay in badan ka cawdeen in laga qadshay.
Go'aanka madasha qaran ayaan lagu xusin in wax kuraastaa dheeraadka ah ka tirsan lasiin doono masuuliyiinta gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku jiray dadka arinkaa cabashada ka muujiyay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimada ah ee Muqdisho Yuusf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in malaayiin qof ay ku nool yihiin Banaadir.
Wuxuu sidoo kalena sheegay in beelo aad u badan ay kunool yihiin kuwaasoo mudan in wax laga siiyo kuraastaa maadaama aysan lahayn wax matalaad siyaasadeed ah [political representation].
Wuxuu kaloo xusay in sanado badan laga war dhowrayay in gobolkaasi Banaadir ama caasimadu ay yeelayo meeqaam gaar ah balse sanadahaa oo dhan waxba aysan kasoo bixin arinkaa caasimaduna aysan yeelan meeqaam gaar ah wali.
Wuxuu sheegay Mr. Yuusf Xuseen Jimcaale in aan lagu xiri karin matalaada shacabka Banaadir ku dhaqan meeqaamkaa gaar ah ee la sheegay in Banaadir ama Muqdisho ay yeelan doonto.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]