Xeer-ilaaliyihii Guud ee Maxkamad-da Ciidamada Puntland oo Bosaaso lagu Dilay

/images/2016/dec/

Axad, December, 25, 2016 (HOL) -Kooxo ku hubaysan baastoolado ayaa maanta barqadii ku toogtay magaalada Bosaaso xeer-ilaaliyahii maxkamadda ciidamada Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye Hoori ,kaasi oo ku sugnaa meel aan wax badan ka fogayn Hotel Bootaan.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in dhowr xabad looga dhuftay shafka iyo madaxa ka hor intii aysan goobta ka baxsan labo dabley ah oo ku hubaysnaa Baastoolado sida ay xaqiijiyeen dad –goob-joogayaal ah oo ka ag dhowaa goobta.

“Walaal indhahayga waxa ay  qabteen labo dhalinyaro ah oo hubaysan ,waxey markiiba xabad ku fureen xeer ilaaliyaha ,taasi oo sababtay in uu u geeriyoodo “ ayuu  yiri goob-jooge dalbaday in aan magaciisa la shaacin.

Goobta lagu dilay xeer-ilaaliyaha waxaa ku dhow taliska qaybta booliska ee gobolka Bari ,waxaana goobta ka ag dhawaa ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ,kuwaasi oo markii danbe sida la sheegay gacanta ku soo dhigay dablaydii dilka fulisay.

Dilkan oo noqonaya kii sedexaad oo lagu khaarijiyo mas’uul ka tirsan Puntland ayaa ku soo aadaya ,iyada oo ay socdaan howl-galo lagu baadi-goobayo kooxo lala xiriirinayo in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyad-da weerarkan,xilli Al-shabaab ay horey u sheegatay dilal lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan agaasimihii madaxtooyada Puntland iyo taliyihii sedexaad ee ciidamada booliska.

Hiiraan Online News Desk