Ciidammada AMISOM oo hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay ku dilay Sh/hoose

Axad,  December, 18, 2016 (HOL) – Kolonyo ciidamada AMISOM ay leeyihiin ayaa Shabeelaha Hoose kudilay hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay.

Falkan ayaa ka dhacay deegaanka lagu magaacaabo Ceel-Wareegoow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaddib markii qarax lagu bartilmaameedsaday ciidammada AMISOM.

Gadiidka oo ku socday xowli dheereeya ayaa la sheegay in ay dul mareen guri cooshad ka sameysan oo ay ku jireen hooyada iyo caruur ay dhashay, kuwaa oo dhamaantood goobta ku dhintay.

Aabaha dhalay caruurta oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in gadiidka si ula kac ah u dulmareen gurigii ay ku jireen hooyada iyo afarta caruurta ah.

Waxaa uu intaa ku raaciyay in ay fureen rasaas culus, laakiin aan la ogeyn cid wax ku noqotay.

Ma'aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale ciidammada AMISOM lagu eedeeyo in ay gadiidkooda ku dilaan dadka rayid ah.

Ugu danbeyntii, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in AMISOM lagula xisaabtami doono tacadiyada dadka rayidka ah.

Aaden M Warsame

[email protected] 

Hiiraan Online