Guddiga doorashada heer federaal oo laalay kuraasta qaar ka mid ah xubnaha gobolada W/qooyi

Axad, December, 18, 2016 (HOL) Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in ay laaleen natiijada Doorasho qaar ka mid ah kuraasta xubnaha gobollada W/qooyi ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer fedraalka ayaa waxbo kama jiraan looga soo qaaday natiijada doorashada qaar ka mid ah beelaha gobolada W/qooyi ee lagu qabtay Muqdisho.


C/raxmaan Diini, Hiiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya