Kismaayo oo laga soo dhaweeyay hogaanka cusub ee jaaliyadda Jubaland ee waqooyiga Ameerika [Sawirro]
Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL) — Munaasibaddan oo lagu qabtay hotel Kismaayo ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ka socotoay labada gole ee Jubaland, ururrada haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo, ayadoo ujeedadu ahayd taageero loo muujinayay Jaaliyadda reer Jubaland ee waqooyiga Mareeykanka.
Madaxdii kasoo qeybgashay munaasibadda waxaa kamid ahaa gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Aadan Khaliif, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga, Max’ed Warsame Darwiish, wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska, Marwo Qamar Deeq Khaliif, xildhibaanno, madax heer gobol ilaa heer degmo iyo masuuliyiin kale oo ka socotay ururrada bulshada rayidka ah ee ka dhisan KIsmaayo.
Xafladda ayaa intii ay socotay waxay kooxaha fanku kusoo bandhigeen heeso ay ku amaanayeen gudoomiyaha la doortay iyo waxqabadka jaaliyadda reer Jubaland ee waqooyiga Mareeykanka, iyagoo sidoo kale goobta kusoo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo weliba heeso wadani ah.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee loo doortay jaaliyadda Jubaland ee waqooyiga Ameerika C/weli Axmed Warsame, isagoo sheegay in Jaaliyadda looga fadhiyo in ay ka qeybqaadato horumarka deegaanada Jubaland.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Mudane Max’ed Warsame Darwiish ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay hogaanka cusub ee ay yeelatay Jaaliyadda, isagoo dhinaca kale sheegay in ka dowlad ahaan ay xusi doonaan cid walba oo bulshada wax u qabata, isagoo sheegay in Jaaliyadda looga fadhiyo in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka, iyo soo nooleynta rajadii bulshada reer Jubaland ee dhinacyada ganacsiga iyo horumarka.
Dhammaan marti sharaftii lagu casuumay xafladda ayaa siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay hogaanka cusub ee ay yeelatay Jaaliyadda.
Ugu danbeyn waxaa madasha ka hadlay gudoomiye kuxiggeenka 1-aad ee baarlamanka Jubaland mudane Aadan Khaliif, isagoo sheegay in tallaabo hore loo qaaday ay tahay in bulshada reer Jubaland ay muujiso isku duubni, isagoo xusay in gudoomiyaha cusub ee la doortay ay dhabar ka saarantahay masuuliyad culus oo uu u hayo bulshada dooratay iyo guud ahaan shacabka reer Jubaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- SOMALILAND: Shil Gaari oo Sababay Geerida 5-Ruux oo Maanta ka dhacay Dulleedka Hargeysa
- SAWIRO: Isu-taga ururada shaqaalaha oo markii labaad u Doortay Maxamed Cismaan Gudoomiye
- MADEIRA: Dadaallo dheeri ah ayaa loo baahan yahay si aan uga HOR-TAGNO Marin-habaabinta
- Trump iyo Clinton oo Guulo ka gaaray inta badan Shantii Gobol ee xalay ay Cod-bixintu ka dhacday
- SAWIRO: Hay’ada Alfa Trust oo Dadkii Abaartu Saameysay u billowday inay u Fasho Beerahooda
- Dadweyne Careysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Madaxweynaha Khaatumo
- Dhaqaalaha Soomaaliya; Xaqiiqda iyo Rajooyinka Laga Qabo Mustaqbal Wanaagsan [Faalo]
- SAWIRRO: Kooxda Islaamiga ah ee Daacish oo sheegtay inay xero Tababar ka Furatay Soomaaliya
- Ururka Midowga Afrika oo sharraxay Sababaha ay u dhimeen Mushaarkii Ciidamada AMISOM
- Ciidamada Jubaland oo weeraray saldhig ay Al-shabaab ku lahayd galbeedka gobolka J/hoose








