Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) —Ciidamada Jubaland ayaa shalay gelinkii danbe weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Gubukibir oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Taliyaha guud ee ciidamada Jubaland COL Aadan Goojaar oo shabakadda HOL uga warbixiyay howlgalkaasi ayaa sheegay in uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaasi, isagoo xusay in howlgalkaasi ay ku dileen laba ka tirsan Al-shabaab tiro kalena ay ku dhaawaceen.
"Ciidamada Jubaland ayaa howlgalka fuliyay, waxaana uu kusoo dhamaaday si guul ah, deegaanka Gubakibirna ciidanka ayaa gacanta ku haya, maleeyshiyaadkii ku sugnaa waa laga ceeyriyay," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.
Dhanka Al-shabaab ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaasi oo kasoo baxay, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-horimaadka.
Dhinaca kale, dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaanada dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Ciidamada Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay deegaanada ku yaal galbeedka gobolka J/hoose waxa ay ka wadeen weerarro qorsheeysan oo ay la beegsanayeen saldhigyada Al-shabaabb ay ku leeyihiin deeganadaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Ciidamada Jubaland oo weeraray saldhig ay Al-shabaab ku lahayd galbeedka gobolka J/hoose
More News
- Kismaayo oo laga soo dhaweeyay hogaanka cusub ee jaaliyadda Jubaland ee waqooyiga Ameerika [Sawirro]
- SOMALILAND: Shil Gaari oo Sababay Geerida 5-Ruux oo Maanta ka dhacay Dulleedka Hargeysa
- SAWIRO: Isu-taga ururada shaqaalaha oo markii labaad u Doortay Maxamed Cismaan Gudoomiye
- MADEIRA: Dadaallo dheeri ah ayaa loo baahan yahay si aan uga HOR-TAGNO Marin-habaabinta
- Trump iyo Clinton oo Guulo ka gaaray inta badan Shantii Gobol ee xalay ay Cod-bixintu ka dhacday
- SAWIRO: Hay’ada Alfa Trust oo Dadkii Abaartu Saameysay u billowday inay u Fasho Beerahooda
- Dadweyne Careysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Madaxweynaha Khaatumo
- Dhaqaalaha Soomaaliya; Xaqiiqda iyo Rajooyinka Laga Qabo Mustaqbal Wanaagsan [Faalo]
- SAWIRRO: Kooxda Islaamiga ah ee Daacish oo sheegtay inay xero Tababar ka Furatay Soomaaliya
- Ururka Midowga Afrika oo sharraxay Sababaha ay u dhimeen Mushaarkii Ciidamada AMISOM