3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
INJ. FAYSAL: Mudadii uu Talada Hayay Xasan Sheekh Soomaaliya Muranno badan ayay Gashay

/images/gallery/2014817635438451042383094Faysal-Cali-Waraabe.jpg
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in muddadii uu Xilka hayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu muran badan geliyay dalka.

Inj. Faysal ayaa Tilmaamay in khilaafyo badan uu ka jiro Maamul-goboleedyada Dalka ka jira, isagoo xusay in arrintaas ay caqabad ku tahay inay horay u socoto Dowladda Somalia. Isagoo eedda murankan taagan dusha ka saaran Xasan Sh. Maxamuud.

“Xasan Sheekh muran ayuu geliyay mudadii uu shaqeynayay, waxaad Aragtaa in muran ka taagan yahay; Degmooyinka Kismaayo, Cadaado iyo kuwo kale oo Soomaaliya ka mid ah, Waxaa ka socota Cadaalad-darro, Maamullo aan jirinna dadka waa lagu khasabaya dadka,” ayuu hadalkiisa ku aray Inj. Waraabe.

Sidoo kale, Inj. Faysal oo ka hadlay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ka furtay Magaalada Buuhoodle oo ay ka taliso Khaatumo ayuu Xusay in taasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland.

“Degmada Boohoodle waa degmo yar, maamulka ma aanu gaarin, Annagana ma doonayno in dagaal lagu qaado, Prof. Cali Khaliif Galeyr in dadka dagaal lagu qaado buu rabaa, balse Xafiis yar oo Baasaboor lagu iibiyo Waxba inooma Dhibayo,” ayuu Inj. Waraabe yiri mar kale .

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa xusay in wadahadal ay kula jiraan Wax-garadka ku dhaqan Buuhoodle, isl amarkaana lagu baahin doono maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Inj. Faysal Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxmauud u dabaal-dagay Sannad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay markii xilka loo doortay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/16/2015 12:41 PM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Maydka Wasiirkii Arrimaah Gudaha dalka Uganda, Jen. Aronda Nyakairima ayaa Maanta laga dajiyay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka , halkaasoo uu Horraantii bishan August ka Ambabaxay isagoo ku socday Magaalada Seoul ee Xarunta dalka Koonfurta Kuuriya.

9/16/2015 11:50 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Kulammadii Baarlamaanka Somalia ayaa Maanta hakad la geliyay, xilli ay Baarlamaanka horyaallaan Mooshinno iska soo horjeeda; iyadoo gudoonka Baarlamaanka Somalia uu sheegay in hakadka uu soconayo inta Xajka laga soo laabanayo.

9/16/2015 11:13 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Booliiska Magaalada Irving ee Dalka Maraykanka ayaa xiray, Axmed Maxamed oo ah 14-jir ah dhiganayayna iskuul ku yaalla magaaladaas, kaddib markii uu Iskuulka la yimid Saacad uu Gurigiisa kusoo sameeyay.

9/16/2015 10:54 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somalia ayaa maanta Xabsi daa’in ku xukuntay saddex ruux oo mid ay haweeney ahayd oo la sheegay inay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in Miinooyinka lagu dhajiyo Gaadiidka iyo Waxyaabo kale oo Qaraxyada laga sameeyo lagu soo Qabtay.

9/16/2015 10:28 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Ururka Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay kula kulmay Hoteelka Radisson Blue ee Magaalada Dubai Kaaliye ku-xigeenka Wasiirka Maaliyadda Dalka Maraykanka, Daniel Glaser.

9/16/2015 9:48 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Shirkadda FACEBOOK oo ah midda ugu awoodda badan baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo Dislike ah; kaasoo u Ogolaanaya Dadka isticmaala inay ku diidaan Waxyaabaha aysan doonayn, iyadoo uu ka soo horjeedo Adeeggan Cusub Botonka Like oo ahaa kan Qofku ku Ogolaan jiray waxa uu jeclaysto.

9/16/2015 8:39 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Kulan looga Hadlayay Maal-gashiga Somalia oo ay ka qayb-galeen xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Maanta Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

9/16/2015 7:43 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Suuriya, Bashar Al-Assad ayaa sheegay inuusan Xilka uga degi doonin Cadadaadisyada Shisheeyaha kaga imaanaya, balse wuxuu sheegay in haddii ay shacabka dalkiisa ay ka dalbadaan inuu xilka ka dego uu aqbali doono.

9/16/2015 4:24 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Warbixin ay shalay soo saareen Guddiga Qaran ee xaquuqul Insaanka Dalka Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNCHR) Kenya National Commission on Human Rights, ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga Kenya ay si sharci daro ah u dileen 25 qof halka 81 kalana la la’yahay meel ay ku dambeeyeen kadib markii lagu eedeyay Ciidamadu iney ka wateen meelihii ay ku sugnaayeen.

9/16/2015 4:03 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Thailand ay si khalad ah u xirtay 64-qof oo Magan-galyo doon ahaa oo Toddoba ka mid ah ay ahaayeen caruur.

9/16/2015 3:18 AM EST
Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Safiirka Cusub ee Dowladda Somalia ay dhawaan u Magacowday Dalka Turkiga, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si rasmi ah looga guddoomay Warqadaha aqoonsiga Safiirnimo, kaddib kulan uu Ankara kula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan.